Halkuu Marayaa Mooshinka Ka Dhanka Ah Madaxweynaha Dalka Maraykanka Donald Trump

0
Friday November 22, 2019 - 14:18:27 in News by
  • Visits: 1842
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Halkuu Marayaa Mooshinka Ka Dhanka Ah Madaxweynaha Dalka Maraykanka Donald Trump

    Halkuu Marayaa Mooshinka Ka Dhanka Ah Madaxweynaha Dalka Maraykanka Donald Trump

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Halkuu Marayaa Mooshinka Ka Dhanka Ah Madaxweynaha Dalka Maraykanka Donald Trump


Hadalladii uu ku furfurtay danjire Gordon Sondland markii uu Arbacadii qiraalka ka hor sameynayay guddiga Aqalka Cad, waxay god weyn ka duleeliyeen gidaarrada difaaca Aqalka Cad, sida uu soo tabiyay wariyaha BBC ee waqooyiga America Anthony Zurcher.

.


Haddana waxaa gudaha galaya biyo, waxayna su'aal ka taagantahay in xildhibaanada Aqalka Sare ee xisbiga Jamhuuriga ay Trump markale u geyn doonaan doonta badbaadada ka hor inta uusan ku hafan hirarka cartamaya.


Sondland waxa uu ahaa danajiraha Maraykanka u qaabilsan Midoowga Yurub, waxaana uu la shaqaynayay garyaqaanka gaarka ah ee Trump, Rudy Giuliani, kaas oo uu kala shaqaynayay arrimo la xiriira in dowladda Ukrain ay gacan ka siiso ol'olihiisa doorashada madaxtinimada.


Waxyaabaha uu sheegay waxaa ka mid ah in booqashadii madaxweynaha Ukrain Volodymyr Zelensky uu ku tagay Aqalka Cad ay ku timid shuruud adag oo ah in Ukrain ay furto baaritaan madaxweynaha ka caawin kara in dib loo doorto. Sondland ayaa sidoo kale aaminsan in hakintii ku timid kaalmadii military ee uu Maraykanka siinayay Ukrain ay ugu wacnayd isla sababtaasi.


Qof kasta oo Aqalka Cad joogay, oo ay ka mid yihiin ku simaha Agaasimaha Guud Mick Mulvaney, xoghayaha arrimaha dibedda Mike Pompeo iyo la taliyaha amniga qaranka John Bolton iyo kuwa kale ayaa dhammaantoodba ogaa arrinka la maleegayay.


Ereybixinta "bombaano siyaasadeed" ayaa beryahan aad loo isticmaalaa, balse qiraalka Sondland oo ka duwan af-gobaadsigiisii hore, ayaa saldhig u ah baaritaanka socda ee la doonayo in xilka looga xayuubiyo Donald Trump.


Haddaladan qiraalka tooska ah, oo uu waliba danajiraha sheegayo in uu idan ama fasax ka haystay madaxweynaha, ayay markani aad ugu adkaan doontaa Trump in uu yiraahdo "waxbo kama ogeyn' waxa dhacayay.


Trump oo markasta dafira wixii lagu qabsadaba, ayaa isaga oo xeendaabka Aqalka Cad dhexdiisa ka hadlaya wariyeyaasha ku yiri "Kaasi ma ahan nin aan aad u garanayo".



Madaxweynaha ayaa intaas ku daray in aysan jirin wax Ukraine looga bedeshay macaamilka lala yeeshay.


Waa arrin daris la ah wax aan suurtogal ahayn in madaxweynaha iyo taageerayaashiisa ay ku doodaan in Sondland uu iskiis ugu dabaalanayay harooyinka dublamaasiyadeed.


Dadka difaaca madaxweynaha waxa ay ku andacoon karaan in Sondland uu isaga rakibanayo sheeko khiyaali ah, xusuustana ay ka dansantahay, inkasta oo uuba gudbiyay xaanshiyo caddeynaya waxyaabaha uu ka hadlayo.


Waxaa jira dad kale oo qiraal iyaguna bixiyay, kuwaas oo sheegay in wicitaan taleefoon oo dhex maray madaxweynaha iyo Sondland looga wada hadlay arrimo la xiriira baaritaanka Ukraine.


Difaaca kaliya ee haray ayaa ah in madaxweynaha uu leeyahay awoodo ballaaran oo ku saabsan in siyaasadda arrimaha dibedda uu u fulin karo qaab uu hoggaamiyeyaasha dalalka kale ku cadaadin karo in ay baaritaan ku furaan qofka uu madaxweynaha damco.


Waxayna u badantahay in difaaca rasmiga ah ee Aqalka Cad ay taasi noqoto.

Source:-BBCsomali
Loading...
Loading...