Wasaarada Diinta Iyo Awqafta Somaliland Oo Digniin U Dirtay Qaar Ka Mid Ah Culimada Dalka
Hargeysa(HWN):- Wasaaradda Diinta Iyo Awqaaftu, Waxa Ay Digniin Adag U Diraysaa Culima -Awdiinka Maalmahan Dambe Caadaystay In Ay Baraha
Bulshada Isu Mariyaan Hadallo Xanaf Leh Oo Saamayn Ku Yeelatay Guud Ahaan Ardayda Barata Diinta Islaamka (Daalib Al- Cilmi) Kaas Oo Ku Saabsan In
Culimadu Midba Midka Kale Ka Dalbanayay Dood Cilimiyeed (MUNAADARO) Doodahani Waxa Ay Wax Yeello Weyn U Geysan Karaan Wada Jirka Iyo
Nabadda Ee Aynu Ku Noolayn Muddada Badan. Wasaaradda Diinta Iyo Awqaaftu, Waa Wasaarad U Dhaxaysa Guud Ahaan Culimada Dalka Cid Si Gaar Ah
U Sheegan Kartaa Ma Jirto.
Haddaba, Laga Billaabo Maanta Oo Ay Taariikhdu Tahay 21-November-2019, Saacadduna Tahay 2:00pm, Waxa La Farayaa Cid Kasta Oo Ka Hadasha
Arrintan Qaabka Ay Doontaba Ha Ahaatee In Ay Wasaaraddu La Xisaabtamayso, Waajibkiisana Marinayso.
Allaa Mahad Leh
Wasaaradda Diinta Iyo Awqaafta J.S.L
Hadhwanaagnews
Hargeysa