Kud-Madawi Waa Munaafaqii Dabkuu Shiday Muuminka Ku Gubay ( Abdi-shotaly).

0
Thursday November 21, 2019 - 16:51:30 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1980
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kud-Madawi Waa Munaafaqii Dabkuu Shiday Muuminka Ku Gubay ( Abdi-shotaly).

    Aan ku horeeyee, waxa la yaab leh weeye, Cali Waal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Aan ku horeeyee, waxa la yaab leh weeye, Cali Waal
( Malaha waxad ugu yeedhaan Cali Guraye), Baa hadda ku leh anigu Xusbina ma aan ihi" Ma ka dhegaysanaa taas? Oo run ma ka tahay?

(1) Miyanau ahayn  Kii lahaa? "Sacad Miuuse Madax-weyne Weliggii helimaayo, hadaan la dooran Askariga.



(2) Miyaanu ahayn Ninkii ku faanaayey ee lahaa? Halkii Illaaahy i-baday baan raacayaa. markii Faysal Zaad indhaha u caseeyey. Ma kaas baa ka talinaaya Qaranimo iyo cadaalad? wax walba miyeynu isu sheegnaa?

 

 Aan dib ugu soo noqdo Kud'Madawe,  Maah-maa baa ahayd " Dameero isku halayn bay hooya-dood dabadda uga nuugaan" Ninka la yidhaaho Kud-madaw, wuxu ka dhawaajiyey, oo uu cadeeyey, intii awel-ba la ogaa, waxana uu si badheedh ah u sheegay, fariintii ay soo fareen labadda askari " Ragii ma adigaa ka hadhay iyo geenyo shaaximani" taas oo micna-heedu yahay, in aanay rabin nabad iyo waan-waan ka dhex dhalata H. Jeclo iyo Garxajis, Wixii afarta sano Ceel-Af-Weyn la maarayn la'aa, waa taas Kud-mdawi daaha ka qaaday cidda wadda, ee taayiradda u ah, colaadaas lagu burburiyey Magaaloo-yinkii Sacad Yoonis, ee Masaajidaddii Cagaf-cagafta la geliyey. Gabay beri hore la tiriyey, baa waxa ka mid ahaa eraya-diisa" Hadba beelo gube baas, baa baaq u soo dira'e, balaayadu ninkii doontay bay, boqonta goy-saaye. maantaan wixii bi'iyey bay, boodh ka tumay-saaye" Waxan leeyahay "Ninkii ba'naayaw lagu fasax" kii cirka iyo dhulka kala hayaw-na, soo daa adiguna wixii aad samaynayso, " Haddii uunku kala dido, talaw yey u daran tahay"? Waa su'aale  ha la waydiiyo Kud-madaw" Maqalay oo ruugnay, garanay oo dhuuxnay, waana baaq cad, ee ciddii baal qoyan leh, faraha baruuro ku sitaa ha iskaba dhinteen. Kud-madaw haduu wax isla haayo " Geeliisa loo diiday in uu daaqo banaanka karamaanyo iyo darar-weyne, buu wax ka tari llahaa. intuu maatadda afka isu gelinaayo. 

 

Ninkii la dili karaa ama la dagi karaa, marka hore-ba ha iska sii dhinto. Waxa la yidhi " Dab Munaafaq shiday, baa muumnin ku gubtaaye" Kud-madawi wixiisii xilka lahaa, iyo dira-diraala-nimaddii, uu isku namiimin jirey beelaha Burco, saw kuma uu soo qaadan, qandaraaskii ay soo siiyeen labadda ey ee Xaafad-tooyadda ka bakh-bakh-leeyaa. Salaan Carrabay (Ihun), wuxu yidhi " Dab-kaad hurin, habeen iyo dharaar, halacya-daad oogi, Hala kuma xaray-side, dar baad ku hawiray-saaye, Aduun baa-se haawiya la tegi, Halaci naareede", nin kale-na wuxu yidhi" Nin waliba dhitadda uu dhigtuu, dhaxal-keed maalaaye, Ma dhadha-miyey xumihii, markii dhawrso laga waayey" Askarta meesha qurba-siraadka ay ugu meheriyeen, Komihanka Dhuuni raacyadda ahi, wuxuu doonaayo buu helayaa, guntaana la soo taab-siinayaa cadceedda oo shan ah. Xusbiga Waddani dib ha ugu dhawaaqo, oo ha la bilaabo Mudaaharaado lagu goblamo, dhafoorka ha is taabato, oo ha la kala baxo, kii rooni reerka haw hadhaw. sababta oo ah, saw muu diidin "Raggii Ma adigaa ka hadhay" dadkii dhex-dhexaadka isku sheegaayey, iyaba daacad kamay ahayne. Kuwa imika leh, iskayo baan isu xil-qaanay, waa been-tood ee hoosta baa laga soo diray, oo la yidhi Mucaaridka Baraf madaxa nooga saara oo qaboojiya. xagee bay joogeen afartii sano ee askartu meesha ku ciyaa-raysay,? Markuu Wixii lagu heshiiyey uu diiday maxay uga hali waayeen? ee markii lagu kacay ay u soo gurmadeen? Saw hoosaasin maaha? Ma Ina Xaashigii wixii la ogaa ku hadlaayey daraad baa dhex ah iyo ka daacad? Bal waxa la isula imaanaayo eega, yaa ka maskax liita, ee taa lagu khaldayaa?

 

Dul-qaad soo dhamaa, oo birta baa la iska asla-yaaye ha la isu diyaar-garoobo. waa habar iyo habeen-keed ninkii laga il-roonaadaa. Wuxu yidhi Qamaan Bulxan " Caliyaw dab baad ololisaa, kumana gubo daayin abid-kaaye, intaad dogob shidaa baad taqaan, dira-dirayn jaane, degaal-kaad fadhido, saw gubee dogobka qiiqaabay" Waxan leeyahay Kud-madaw, adiga ceebtaa maaha ee waa caadadaa, Wadaadaw Alif wax buu leeyahay iyo ma laha, labadaba adaa lagaa hayaa ee doc isugu baydh. Kolba sidda jir-jiroolaha midab cusub ha isku soo rinjiyey-na. Marka lagugu giijiyo, ee diin-taadda farta laguu saaro, lagu yidhaaho waa inoo dagaal, waa adiga ku baaqa nabad baan rabaa, ee kolba cid ku eedeeya, marka maalmo lagu daayo-na, ee intii hore kaa dhamaato, mashruuc baad ku soo qaadataa iska hor keenka H.Jeclo iyo Garxajis. Waxan ku soo xidhay maqaalkan " Dib la isu aamini-maayo, waxana lagu noqonayaa Xarshin, Dul-cad iyo daroor, la is bixin maayo, nin walbaw waa tabtii hooyadaa kugu dhashay, cirka ha isku shareerto, Mudaaharaadkii wuu soo noqonayaa, wax la isu reeba-yaana waa habeenkii xalay ee tegay. Tab hayaw lagaa tab hayee. wixii dagaalkii marya alool kula galay, hadda shaadh-kaaga ka baxe, oo aday futadda kaaga dhufanayaan. ee is keen sii, wax aynu kala helo-ba, ha ku marmarsoon, wax Somaliland la yidhaaho baa jira'e. oo taas beri hore baa iilka loo jiday, in aad sidaas ku lisataa waa sacabkoo tima yeesha, ee ku biyo cab.

 

* N.B Haddii Uunku Kala Dido, Talaw Yey U Daran Tahay? 

Qore:- Abdi-Shotaly

 

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...