Soomaaliya Oo Dagaal Dhinacyo Badan Leh Ku Haysa Somaliland Oo Gudaheeda Ku Mashquulsan

0
Thursday November 21, 2019 - 16:42:17 in News by
  • Visits: 3650
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaaliya Oo Dagaal Dhinacyo Badan Leh Ku Haysa Somaliland Oo Gudaheeda Ku Mashquulsan

    Soomaaliya Oo Dagaal Dhinacyo Badan Leh Ku Haysa Somaliland Oo Gudaheeda Ku Mashquulsan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Soomaaliya Oo Dagaal Dhinacyo Badan Leh Ku Haysa Somaliland Oo Gudaheeda Ku Mashquulsan


Hargeysa(HWN):-Wasiirkii hore ee horumarinta maaliyada Somaliland, Md. Yuusuf Maxamed Cabdi ayaa jamhuuriyada Somaliland ugu baaqay inay ka feejignaato, isla markaana meel looga soo wada jeesto sidii looga hortegi lahaa, dagaal dhanwalba ah iyo shirqoole maamulka Xamar ku foogan yahay, kaas oo lalamaagan yahay dalka. Ex-wasiir Yuusuf ayaa qoraal uu kaga hadlayo xogo badan oo arrintan ku saabsan la wadaagay Hubaal, qoraalka oo dhamaystirana waxa uu dhignaa sidan;




"Ujeeddo: Dhanbaal Xog-wareed.


Sida ay ka wada dharagsan yihiin shacab waynaha JSL gudo iyo dibedba, Aduunkuna markhaati ka yahay, in dagaal joogta ah oo dhinacyo badan leh inagu hayaan maamulka Xamar fadhiya, sida:-


1. Isku-day khal-khal gelin dhinac Arrimaha Amniga (Somaliland National Security).


2. isku-taxalujin in ay inaga soo oodaan dhinac xidhiidhka caalamiga ah  iyo  diblomaasiyadda(Diplomacy & International Public Relationship) iyo;


3. U-taagnaanta qaab kasta iyo habkasta oo ay ku burburin karaan dhaqaalaha wadankeena, Lacagteena,iyo dhibaataynta nooc kasta oo maalgashiga ah.


Mudooyinkii danbena waxa ay si naf-hurid leh iskugu mashquuliyeen in xafiisyadda iyo wasaaradda ku sheega ay ku sitaan shandadaha ee aan soo dhaafin xalane iyo Fiila-Soomaliya ay wafajiyaan qaab qoraaladooda iyo warbixin celintoodaba qawaaniinta iyo habraacayada Baanka aduunka iyo Sunduuqa Lacagta Aduunka, iyagoo taageero ka helaya ganacsatada xamar fadhida una buuxiyaan nidaam hubineedka ay sameeyaan sanduuqa lacagta aduunka si looga dhaafo Deynta; una helaan deeqo,maalgashi, iyo deyn horlehba si ay u dhibaateeyaan Qaranka JSL ee Astaantiisu tahay TAWXIIDKA. Waxaa noocyada kala duwan ee dakhli ku sheeg ah ka buuxiyaan Dawalddu ay JSL ku leedahay Abaal Fac-weyn (Turkey & Qatar) gaar ahaan xiliyadii Imaam AXMED GUREY, World War I ee istanbuul ay doonayeen in ku qabsadaan dalalka reer-galbeedu oo ciidamadii iyaga la socday ee reer somaliland markay arkeen in cida lala dagaalamaya yihiin muslimiin ay dhinacoodii ka soo jeesteen taas oo dagaalkii wax badan ka bedeshay, iyo burburkii Dawladdii Cusmaaniyiinta oo shacabka iyo Salaadiinta Somaliland aad uga murugoodeen intii inaalkooda ahna Khaliifadii iyagu sii wadeen gudaha Somaliland,halka Xamar iyo meelo badan ay ku faraxsanaayeen. Waxaan ka codsanayaa Dawladda Turkey haddii aanay celinayn abaalkii; ay inaga daayaan hagar-daamooyinka iyo hiilkaan qarsoonayn ee ay la barbar taagan yihiin dawladda Xamar.


Haddaba, waxaan cod dheer u dirayaa dhamaan aqoonyahankan jsl meel-kasta oo ay ku nool-yihiin in aynu u gunti-giijisano sidii aynu dagaalkaas iskaga dhicin lahayn. Maanta maaha malintii inagu is eegi lahayn iskuna mashquuli lahayn ee waa xiligii aynu si wada-jir ah u ilaashan lahayn Nabadeena,horumarkeena,iyo dawladnimadeena iyo Madaxweynaheena.


Qof kasta oo lexijeclo ka leh wadanka kana qaba rajo hogaamineed maaha maalintii oo abuuri lahaa isu soo baxyo,buuq macno daro ah. waxaan ku soo afmeerayaa weedhihii mahadhaba reebay ee Abwaan Saa’id Qamaan (Ilaahay Naxariistii Jano ha ka waraabiye).



(MIYIR WAXAA KU WAYDAAN ISWAAL KUMA MUHIIMTAAN

NIN DHARKEYN MUDMUDAY HOORNA MARAY MURUX SHA’ALLE).

GUUL, NABAD, HORUMAR,WADAJIR, IYO GOBONIMO

ALLAAH MAHAD LEH

Yuusuf Maxamed Cabdi Raage

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda.


Loading...
Loading...