"Sharcigu Ma Marka Uu Dawladda U Dan Yahay Ayuun Buu Shaqeeyaa"? Garyaqaan Guuleed Dafac

0
Thursday November 21, 2019 - 15:40:20 in News by
  • Visits: 2309
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Sharcigu Ma Marka Uu Dawladda U Dan Yahay Ayuun Buu Shaqeeyaa"? Garyaqaan Guuleed Dafac

    "Sharcigu Ma Marka Uu Dawladda U Dan Yahay Ayuun Buu Shaqeeyaa"? Garyaqaan Guuleed Dafac

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Sharcigu Ma Marka Uu Dawladda U Dan Yahay Ayuun Buu Shaqeeyaa"? Garyaqaan Guuleed Dafac


Hargeysa (HWN):-Garyaqaan Guuleed Axmed Jaamac (Dafac) ayaa ka hadlay xadhiga xukuumada muuse biixi kula kacday masuuliyiinta ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee Waddani.


garyaqaan Guuleed Dafac ayaa qoraal uu bartiisa Facebook ku baahiyey waxa uu ku sheegay inaanu sharciga waafaqsanayn xadhiga masuuliyiinta xisbiga Waddani isaga oo si gaar ah farta ugu fiiqay in mudada lagu hayo xabsiga mandheera aanu sharcigu banayn.



garyaqaan Guuleed Dafac ayaa qoraalkiisa u dhignaa sidan:-

 

Dastuurka Iyo Xeerka Habka Ciqaabtu Waxaay Si Cad U Sheegayaan In Qofka La Qabto Isaga Oo Dembi Faraha Kula Jira Lagu Horgeeyo Maxkamad Awood U Leh 48 Saacadood Gudohood.

 

Hadii Aynu U Raacno Booliiska Tooda Oo Ka Soo Qaadno Inay Dembi Faraha Kula Jireen Markii La Xidhay, Qodobada Dastuur Iyo Xeer Ee Waajibka Aan Laga Gaban Karin Ka Dhigaya In Maxkamadda La Geeyo Xagee Laga Dhaafay? Sharcigu Ma Marka Uu Dawladda U Dan Yahay Ayuun Buu Shaqeeyaa?


Odhaah Baa Tidhaahdaa: Sharcigu Marna Wuu Kula Jiraa, Marna Wuu Kaa Jiraa. Cidda Sharciga Sarayntiisa Aaminsani Mar Walba Way Raacda.

 

Reer Somalilandow Gar Waa Loo Wada Islaan. Sida Ragaasi U Xidhan Yihiin Inay Sharcigeeni Ka Soo Horjeedo Waad Aragtaane, Intii Rasuulku Idiin Sheegay Uun Yeela.


Hadhwanaagnews

Hargeysa

Loading...
Loading...