Tanaasulka Gudoomiye Cirro, Garqaadasho La,aanta Madaxweyne Biixi Iyo Ergada Gaaf Wareegaysa Xayn-daabka Madaxtooyada!

0
Wednesday November 20, 2019 - 21:45:40 in News by
  • Visits: 4618
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tanaasulka Gudoomiye Cirro, Garqaadasho La,aanta Madaxweyne Biixi Iyo Ergada Gaaf Wareegaysa Xayn-daabka Madaxtooyada!

    Faalo Muranka Siyasadeed Ee Ku Saabsan Darooshooyinka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faalo Muranka Siyasadeed Ee Ku Saabsan Darooshooyinka


Hargaysa(HWN):-Soomaliland waxa muddo ku dhawaad sodoneeyo sanno tahay dawlad madaxbanaan,oo majaraha hogaamineed ay iskaga kale danbeeyan madaxwaynayaal kale duwan oo tariikhda mudadii u galay xalaado kale duwan oo iskugu jira waxqabad iyo xalad cakarin.


Somaliland ayaa waxa caado ka naqday murano siyaasi oo soo noqnoqda oo salka ku haya darooshayooyinka Dalka Soomaliland ka dhaca,taasi oo aragtiyo kale duwan oo ay kale qabaan asxaabta qaranku ay sababaan mudaharado iyo dhaliilo la isku mariyo warbaahinta maxaliga ee dalka ka hawl gala.



Muranadda Siyasadeed ayaa kolba waxa sababa masuulka Kursiga ugu sareeya fadhiyamarkaasi,taaso si wayn ay uga soo horjeestaan xisbiyada mucaradka ah ee kula loolamaya kursiga oo ay ka dhacdo ismari waa siyaasadeed oo muddo qadata hase ahaate marka u danbaysa xal waara laga gaadho oo gudi dhax ahe ay markasta xal waara ku soo dabalaan khilaafka taagan.


Inta kastoo madaxweynayaasha markaa talaada dalka hayay ay la yimaadan tanaasul oo ay somaliland ku soo nabad iyo caano maashay balse hada waxa ay u muuqataa in aan la helaynin wax xal waara maadamo uu madaxweynaha hada somaliland hogaamiye ay jirtay wakhti uu sidan oo kale ugu biyo diiday wakhtigii madaxweyne-yaasha cigaal iyo siilaanyo.


Xiligii Madaxwayne Daahir Riyaale Kaahin waxa xasus mudan in madaxwaynaha hada talada haya Muuse Bixi Cabdi ahaa shakhsiyaadkii ugu adka ee mucaradka ku ahaa ee mar ay murano siyaasi oo kale duwan ay meel adag ka istageen oo sababay in markaasi uu tanaasulay madaxwaynihii markaasi talada hayay Daahir Riyaale Kaahin.


Madaxwayne Muuse ayaa looga fadhiyaa inuu tanaasulo oo uu maqlo gudida isxilqaantay ee ku gaafwareegaya madaxtooyada ee ay ku jiraan madaxwayne ku xigeenadii hore ee dalka soo maray hogaankooda,taasi oo maalintii shalay kulamo kale duwan la qaatay labada xisbi qaran,madaxwayne muuse uu tanaasula arinka isku maandhafsan yihiiin xisbiyada mucaradka ee Wadani Iyo Ucid.

Loading...
Loading...