Boqor Buurmadaw Hadalka uu Qaawanaanta Reernimada Ugu Difaacayo Riyo-raac Waa Fariintii Madaxweyne Muuse U Dhiibay oo Daahir Yaa Shamis ah
.
Waxaa Wax lala Yaabo ah in Madaxweyne Dhan oo Dalka loo Dhaariyay oo
Dadkiisii illaahay Madaxweyne uga Dhigay, in uu Siyaasadii iyo
Hogaamintii ka Raadiyo, oo ka Qodqodo Sidii uu ukala Qeybin lahaa umadii
uu Xukumayay oo uu Maalin Walba Raali ka noqdo in Qabyaaladii iyo
Haybyabtii Talafishanada la iska Weydaarsado.
Waxaan Muran ka joogin, oo qof Waliba garanayaa Sababta iyo
dhiirashada iyo ujeedada Hadalkaa Qabyaaladeysan, ee iyadoo Komishan iyo
Sharci iyo Xeerar lagu muransan Yahey oo Gari garr Alle tahey Boqor
Buurmadaw iyadoo Qaawan kula barbarjoogsadey Sharcidaradii ay hore ugu
jujuubayeen Madaxweyne Biixi, Wasiirkiisa Gudaha Maxamed Kaahin iyo
Gudoomiyaha Guurtida Saleebaan Gaal, oo ay Si Xaqdaro ah oo Daahir Yaa
Shamis ah ugu Heshiiyeen Cadaalad Daraddaa iyo
Murankaa iyo Kala Qeybintaa umaddii ay Xilalka u hayeen, Waana Dhab in
ay Dharaari iman Doonto Xaqdaradaa ay.ku Heshiiyeen ay ku Coloobi
Doonaan.
Waxaa nasiib Darro ah oo aan Mar Labaad iyo Mar Sadexaad ku Celinayaa
in aaney horena inoo soo Marin Illaahayna aynu ka baryeynaa inaaney dib
inoo soo Marin Taa aynu Maanta arkeyno ee ah inmay Umaddii iyo Shacabkii
Reer Somaliland dadkii Jaaniska u helay taladdu ku kala Qeybinayaan Si
badheedh ah ama Boqor Buurmadaw hadal.Qabyaaladeed ha u Dhiibaan ama Dad
kale ha u adeegsadaane Illaahbaan idinku dhaariyee Dadweynaw 'Ninka
Maanta Qabyaalad loogu Baaney, Sidee buu umadda Dhex ugu Noqon karraa
Waar Ninka Laabta loo Tumey Komishan ma Noqon Karraa Ma Noqon Karro
anigu Waxaan aaminsanahey Ninka Dadkii uu Xukumayay Kala Qeybinaya ee
Qabyaalad iyo Magacyo ukala Bixinayaa Waa Nin Cuqdadeysan oo aan
Calool.Fayoobayn Waa Nin Boqol Dagaal.soo Galey, oo isaga aan Meelina u
Fayoobayn la Geeyay Madaxtooyadii.
Gabagabadii Waxaan hadalkayga Kusoo gunaanadayaa Dad badan oo Shacabka
Masaakiinta ah ee Reer Somaliland oo aan Xogogaal aheyn ayaa laga yaabaa
in ay Hadhaw yidhaahdaan Buurmadaw iyo Madaxweyne Biixi Goormey isu
Yimaadeen Habeen iyo Maalin Wey Wada joogaan oo ay kala Warqaataan ilaa
Mudo dhaweyd Hadalkaa Boqpr Buurmadaw ee uu Ku taageerayo Ninkan Lagu
Muransan Yahey Waxaa u Dhiibay Madaxweynaha umadii uu Xukumayay ee
illaahay talada ugu Dhiibay ayuu.ku kala Qeybinayaa Nabsigaa Goormaa la
arki Doonaa.
Najiib Ismaaciil Maxamed
Somaliland Gabiley
0634466339
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...