Banaanbaxa Sharciga Ah W/Q Rashiid odowaa

0
Wednesday November 20, 2019 - 09:32:56 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1144
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Banaanbaxa Sharciga Ah W/Q Rashiid odowaa

    Waa xaq dastuuri ah oo muwaadinku leeyahay banaanbaxa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa xaq dastuuri ah oo muwaadinku leeyahay banaanbaxa

 salmiga ah,xorriyadda hadalka iyo ra’yi cabbirka, waxa arrintaas damaanad qaadaya dastuurka JSL qodobkiisa 32 faqraddiisa 1,2,iyo 3aad


Sidaas oo ay tahay wax kastaaba xad ayay leeyihiin banan baxuna shuruuc loo maro ayuu leeyahay oo faro badan waa marka uu yahay dibad bax sharci ah oo nabadgelyo,haddise aanu ahayn sharci isagu waa xaalad kale.



1-Waa in fasax looga qaattaa xukuumadda dalka ka talinaysa gaar ahaan wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo laamaha amniga,khasabna maaha inay ogolaadaan mar kasta ee waxay qiimayn karaan wacyiga taagan inuu dalku qaadi karo dibad bax inaanay ku haboonayn wakhtigan.


2-Haddii laga ogolaado dibadbaxa waa inay masuuliyiinta xisbiga, ama cidda wadata dibadbaxu ay saxeexaan shuruudaha looga baahan yahay,inay damaanad bixinayaan inaan iyaga iyo taageerayaashoodu ku kacayn wax amniga wax u dhimaya,isla markaana ay dusha ku qaadanayaan wax kasta oo ka yimaadda howshaas dibad baxu inta ay socoto.


3-Waddamada qaarkood lacag ama adduun ayaa rahmaad loo sii dhigaa,si hadhow loogula xisaabtamo wixii ka yimaadda


4-Masuuliyiinta watta mudahaaraadka iyo Masuuliyiinta ciidamada amnigu waa inay isla ogolaadaan aagga ay isu soo baxa ku qabsanayaan isla markaana isla calaamadiyaan halka ay socodka ka soo bilaabayaan iyo halka ay ku egyihiin iyo goobta hadalka laga jeedinayo,si loogu diyaariyo masraxa Ciidankii amaankooda ilaalin lahaana loogu diyaariyo,marka laga yimaado amniga magaalada masuuliyiinta xisbi mucaarid ayaa u baahan in amnigooda la dhowro iyo dhamaan dadka.


5-Waxa muhiim ah inaan dadka dibad baxaya haba yaraatee aanay gacmaha ku qaadan wax hub ah.sida middi,soodh,budh iwm,waase iska caadi haddii ay caagado biyo ah qaattaan.

 

Haddii intaas aan kaga gudbo shuruudaha banaanbaxa oo aad u badan laakin aan soo koobay,waxan ku xigsiin doonaa dhowr sababood oo aan banana bax uga dhici Karin Hargeisa.

 

 SHAN SABABOOD OO AANU DIBAD BAXU AANU U HABBOONAYN MAGAALADA HARGEISA

1-Iyadoo dadkenu aanu aqoonin banaanbaxa ee markaba uu isu beddeli karo,rabshado oo dhibaato uun soo kordhin karo.


2-Iyadoo waddooyinka magaalada Hargeisa wakhtigan ay aad cidhiidhi u yihiin oo aanay jirinba waddo socod lagu mari karo,waxana dad badan ka xannibmi kara shaqooyinkooda iyo nolol maalmeedkooda siiba dadka danyarta ah.


3-iyadoo Somaliland cadow badan leedahay oo ay isha ku hayaan  kana faaiidaysan karaan isku dhaca dadka reer Somaliland waayo cadowga Somaliland waxa uu rabaa oo keliya in buuq abuurmo,taas oo siinaysa jaanis uu u dhex raacin karo.


4-Iyadoo rabshado dhacaa dadka ay qaybin karaan oo ay halis ku keeni karto Nabadda iyo dhismaha Qiimaha badan umadda kaga baxay.


5-Iyadoo dad badan ay xayaysiinayaan oo ay u haystaan wax wanaagsan in jabhado iyo amni darro samaysanto.


Sidaas darteed anigu waxan soo jeedinayaa in la iska laabo gabi ahaan wax la yidhaa banaan bax,oo wada hadal lagu dhamaysto wax kasta oo jiraba.

 

 

Rashiid odowaa diplomacy and IR

[email protected]

063-4101213

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...