Hubaal Ummaddu Kuwii U Fooday Muuse Iyo Kuwii U Cabdiramaan Ba Waxay Rabbaan Oo Dawladda U Samaysteen Waa

0
Wednesday November 20, 2019 - 08:34:39 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1694
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hubaal Ummaddu Kuwii U Fooday Muuse Iyo Kuwii U Cabdiramaan Ba Waxay Rabbaan Oo Dawladda U Samaysteen Waa

    1- In Dawladnimo taama iyo Xuduudo sugan iyo Ictiraaf

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1- In Dawladnimo taama iyo Xuduudo sugan iyo Ictiraaf raadin joogto ah la helo.Ma rabbaan  xuduudo iyo degaan gobolo SOMALILAND oo diida sheegasha da SOMALILAND oo isu dhiiba Maamul goboleedyada Somalia sida imika ina haysata.

 

2- waxay rabbaan Xukuumad la wada leeyahay oo laga  wada muuqdo  oo wadanku  dhaqaalihiisa loogu wada shaqeeyo  oo quwad ummadeed muujisa. Ma rabbaan Xukuumad taag daran oo la kala  sheegto oo madaxda afkeeda kala sheegashadu ka soo baxdo oo haybaddii dawladnimo lunto.

 

3- waxay dadku doonayaan  Baarlamaano la soo doortay  oo sharci dejinta  ku eeg iyo waqtigii la soo doortay lama rabo  inay noqdaan institutions cashuurta sifo  sharci daro ah loogu qaybiyo. Waxay  rabbaan baarlamaan madax bannaan maaha  Kan imika jooga ee beesha dhexe isku diraya.

 

4 Dadku waxay rabbaan xisbiyo   xora oo u tartama  oo Madax caafimaad qabto soo saara looma  baahna inay madax bilaa sharci lagu soo saaro  oo wadanka khalkhal gelisa. Haddii Xisbiyada  meesha laga  saaro dawladnimadii wey duntay  Askarigu qorigiisuu reerkooda ula tegayaa haybaddii dawladnimo wey baba'aysaa todobaadyo gudahood  cashuurta wey istaagaysaa.

5- ummaddu waxay  rabtaa dawlad aan sharcigii jebin haddii ay jebiso  qof kale oo sharciga ilaalin karaa ma jirayo.

 

5- Xarumaha Xisbiyada iyo Gudoomiyeyaasha Xisbiyadu waa Hadhkii Madaxtooyada iyo hadhkii Madaxweynaha haddii  hadlhkaa la waayo waxay ka dhigantay Madaxtooyo ma jirto Madaxweynana ma jiro.

 

Hadday  dadku fahmaan in Madaxweynuhu  aanuu sharciga  ilaalinayn oo maalinba meel albaabada u laabo ASKARTU sharciga ma ilaalin doonaan markaa  kala dambaynta  RIFAN IYO LISAN BAA KU DHACAYA.

 

Dadka Muxaafid ka xisbigaaga iyo dadka kooda kaleba dhibaatadu wey wada gaadhaysaa hubaal markaa dambe gadood shacab baa la gaadhayaa wadanku kala socon waayo.

 

Maayarka  Hargeysa hadday ku caddaato inuu lacag dibjir u qaybiyey uu yidhi  boba suuqa si wadani loogu cambaareeyo,  haddii xukuumaddu wadani baabiso ma baabaayo ee xoog hubaysan buu usu bedelayaa oo la hubaa,  markaa Xukuumaddu yey  u fikirkii sida dadka suuqa ka dhex hadla , xisbiyadu baabimaayaan ee weji kale oo foolxun bay arintaasi  SOMALILAND u horkacaysaa .

 

Ciidamadu waxba sooma saaraan ,shacabkaa wax soo saara oo cashuurta bixiya oo wax kala iibsada oo wax shaqaalaysiiya haddaa shaqada wadanku is taagto ama yaraato askarigu kharash aan awood loo hayn buu Xukuumadda kelifayaa illaa uu kala yaacayo dhawr usbuuc gudahood. Madaxweyne Muse  waa  inuu kibirka uu wadanka ku kibrayo  iska daaya iyo la MEERSYSIGA MAAMULKA IYO DHAQAALAHA. 

 

Maanta Yurub Oo Dhan Baa  Qortay  In Aad Madaxdii Wadani Kuu Xidhan Yihiin Sifo Dictator Nimo Ah. Distoorka Somaliland Wadankastaa  Wuu Hayaa Waayo Nolosha Adduunku Wey Isku Xidhantay

Ishaa Lagugu Hayaa Haddaad Badda Cas Khalkhal Gelisid Oo Sharciga Aad Dumisid Waayo  Xoolaha Adduuunka Ayaa Baddeena Shan Kilo Metre U Mara.

 

Fikirka Madaxweyne Waa Inuu Caalami Noqdo Maaha Inuu  Dhoobo Macna Laaan U Walaaqdo Oo Reer  Hebel Iyo Reer Hebel. Kooxda Kulimye Hogaamisa Een Shanta Qof Ka Badnayn  Hadday Syaasad U Qarsoon Meel U Taal Iyo Sida Jabouti Baan Wadanka U Maamulaynaa Waa  Fikir Ciyaalo Suuqnimo Ah Somaliland Waa  Wadan Weyn Oo Baaxad Weyn Oo  Ummado Badani Degaan Oon Ictiraaf  Haysan Oo Qolokalena Shaadhka Haysato E Ka Noqda Fikirkaa  Madhalayska Ah Dhimashada Badan Soo Sida.

 

M Bashe

[email protected] 


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...