Muuse Biixi Iyo Wasiirka Hawlaha Guud Oo Khilaaf Adagi Soo Dhexgalay,Waxa Laysku Hayo Iyo Ergo Wasiir Qambi Ugu Tagtay Turkiga.

0
Tuesday November 19, 2019 - 02:04:41 in News by
  • Visits: 7127
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi Iyo Wasiirka Hawlaha Guud Oo Khilaaf Adagi Soo Dhexgalay,Waxa Laysku Hayo Iyo Ergo Wasiir Qambi Ugu Tagtay Turkiga.

    Muuse Biixi Iyo Wasiirka Hawlaha Guud Oo Khilaaf Adagi Soo Dhexgalay,Waxa Laysku Hayo Iyo Ergo Wasiir Qambi Ugu Tagtay Turkiga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muuse Biixi Iyo Wasiirka Hawlaha Guud Oo Khilaaf Adagi Soo Dhexgalay,Waxa Laysku Hayo Iyo Ergo Wasiir Qambi Ugu Tagtay Turkiga.


Hargeysa(HWN):-Muuse Biixi, hogaamiyaha wakhtigu ku adag yahay ee taladii somaliland ku soo ururtay iyo wasiirka hawlaha guud Cabdirashiid Qambi ayuu soo kala dhexgalay khilaafkii ugu cuslaa.


Sida ay sheegayaan warar rasmi ah oo ay Hadhwanaagnews heshay Khilaafka Wasiir Cabdirashiid Qambi iyo Muuse Biixi ayaa salka ku haya qorshe uu Muuse doonayo inuu kula wareego afar beerood oo ku yaala deeganka Qalax ee masalaha Hargeysa kuwaas oo ay leeyihiin dad shacabka ah oo ka soo jeeda Hargeysa Iyo Hawd.

Image result for wasiir qambi iyo muuse biixi


Wasiir Qambi oo ku sugan wadanka Turkiga ayaa si cad uga horyimid qorshaha uu Muuse Biixi ku doonayo inuu la wareego afartaas beerood isaga oo si toos ahna ugu sheegay inaanu diyaar u ahayn in mar kale fadeexadi ka soo gaadho dhul uu Muuse Biixi doonayo inuu awood dawladeed kula wareego.


Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in wasiirka arimaha gudaha somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo ergo ahaan uga socday Muuse Biixi uu ku guul daraystay inuu wasiir Qambi ku qanciyo qorshaha lagula wareegayo afarta beerood ee ku yaala deegaanka Qalax, taas oo keentay in wadanka Turkiga lagaga daba diro agaasimihii waaxda dhulka ee wasaarada hawlaha guud Maxamuud Maal Cali.


Wasiir Qambi oo kulan la yeeshay agaasimihii waaxda dhulka oo wakiil ka ah Muuse Biixi ayaanay waxba iska badalin mawqifkiisii, isaga oo farta ka saaray shuruudo uu ku xidhay inuu dib ugu soo laabto dalka.


Wasiirka hawlaha guud dhulka iyo guryeynta Cabdirashiid Qambi ayaa qodobada uu shuruuda ka dhigtay waxay kala yihiin sidan:-


1.Wasiir Qambi waxa uu codsaday inuu dalka ku noqonayo haddi  Muuse Biixi faraha ka qaadayo afartaas  beerood ee uu hada doonayo inuu qaato iyo beer hore oo uu ka qaaday alle haw naxariistee marxuun Cali Aw Maxamed oo ciidamada qaranku ku dhex dileen beertiisa.


2.Wasiir Qambi waxa kale oo uu codsaday inuu awood u yeesho inuu badali karo ama xilka ka qaadi karo agaasimihiisa waaxda qorshaynta Ciise Maxamed Ciise oo Muuse Biixi abti ruma u yahay.


3.Sidoo kale Wasiir Qambi ayaa sheegay in qodobadaas oo la fuliyo mooyaane aanu marna yeelayn ergada ka socota Muuse Biixi ee wasiir Maxamed Kaahin iyo agaasimaha waaxda dhulka ee wasaarada hawlaha guud Maxamuud Maal hormoodka ka yihiin.


Dhinaca kale warar soo baxaya ayaa sheegaya inay diyaar garow xoogan galeen dadka shacabka ah ee iska leh afarta beerood ee Muuse Biixi doonayo inuu kala wareego, kuwaas oo qorshaynaya sidii ay u difaaci lahaayeen dhulkooda.


Si kastaba ha ahaatee khilaafka Wasiir Qambi iyo Muuse Biixi ayaa maraya halkii ugu saraysay waxaana la dhawrayaa midka hoos uga soo daga mawqifkiisa.


Cabdirisaaq Good Nuur

Hadhwanaagnews.com

Kampala/Uganda

[email protected]

 

Loading...
Loading...