Suxufiyiintii Hadhwanaagnews Ee Tacadiga Kala Kulmay Xukuumada Muuse Biixi Oo Gaadhay Magaalada Kampala Ee Dalka Uganda

0
Monday November 18, 2019 - 22:27:44 in News by
  • Visits: 3017
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Suxufiyiintii Hadhwanaagnews Ee Tacadiga Kala Kulmay Xukuumada Muuse Biixi Oo Gaadhay Magaalada Kampala Ee Dalka Uganda

    Suxufiyiintii Hadhwanaagnews Ee Tacadiga Kala Kulmay Xukuumada Muuse Biixi Oo Gaadhay Magaalada Kampala Ee Dalka Uganda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Suxufiyiintii Hadhwanaagnews Ee Tacadiga Kala Kulmay Xukuumada Muuse Biixi Oo Gaadhay Magaalada Kampala Ee Dalka Uganda


Hargeysa(HWN):-Waxa maanta garoonka calamiga ah ee Entebe International Airport ee caasimada Kampala ee dalka Uganda ka soo degay Suxufiyiin ka tirsan warbaahinta caalamiga ah ee Hadhwanaagnews.


Suxufiyiintan ayaa waxa garoonka Entebe ee magaalada Kampala ku soo dhaweeyey dhalinyaro wax ka barta jaamacadaha Kampala iyo xubno ka mid ah aqoonyahanka reer somaliland ee ku nool dalka Uganda.




Suxufiyiintan oo kala ah agaasimaha shabakada Hadhwanaagnews Cabdirisaaq Good Nuur, Tifaftiraha Shabakada Cabdiqani Cabdilaahi Axmed(Asporo) iyo CabdiraxmaanSheekh Xasan oo ka mid ah hawl wadeenada shabakadaasi oo mudooyinkii ugu dambeeyey ku sugnaa caasimada Soomaaliya ee Muqdisho ayaa lagu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Entebe ee magaalada Kampala.


Suxufiyiinta Hadhwanaagnews ayaa somaliland uga baxay baxay cadaala daro, caga juglayn, cadaadis iyo tacadiyo kale oo ay kula kacday xukuumada Muuse Biixi ayaa haatan gaadhay Kampala iyaga oo aan ilaa hada la ogayn goobta ay ku jihaysan yihiin iyo wadanka kale ee ay uga sii gudbi doonaan.


Talaabada xukuumada Muuse Biixi kula kacday suxufiyiinta Hadhwanaagnews iyo xayiraada shabakada laga saaray gudaha somaliland ayaa qayb ka ah qorshe lagu hor joogsanayo xoriyada saxaafada somaliland, xoriyatul qawlka iyo dimuqraadiyada ka jirtay somaliland.


Suxufiyiintan ayaa mudada ay joogaan wadanka Uganda waxay kulamo kala duwan la yeelan doonaan hay’addaha caalamiga ah ee ka shaqeeya hay’addaha xuquuqal iinsaanka, dimuqraadiyada iyo xoriyada saxaafada kuwaas oo uga warami doono xaalada somaliland ka jirta, jidh dilkii, xabsigii iyo tacadiyadii ay la kulmeen.


Sidoo kale xukuumada ayaa maanta albaabada iskugu dhufatay telefishanka HCTV xaruntiisii magaalada Hargeysa, talaabadaas oo qayb ka noqonaysa tacadiyada dawladu ku hayso warbaahinta madaxa banaan ee somaliland.


Hadhwanaagnews.com

Loading...
Loading...