Nin-ba Tacabkii Taloy Kaa Maal ( Abdi-Shotaly).

0
Monday November 18, 2019 - 19:48:35 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 2002
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nin-ba Tacabkii Taloy Kaa Maal ( Abdi-Shotaly).

    Nin-ba Tacabkii Taloy Kaa Maal ( Abdi-Shotaly).

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nin-ba Tacabkii Taloy Kaa Maal ( Abdi-Shotaly).


Saaka ba ala kala baxay, oo tani ha is barato, horaa loo yihdi " Wan weyni ilaa la gawraco, indhihiisu cirka 

ma arkaane" saaka sare ma eegeen, oo ma socon waydey Tolaayeey iyo yaa reer hebel aheey, idinka baa 

la idiin jeedaa, maamulka ilaashadda idinkaa lehe, saw saaka sooma ay gabaga-boobin. mar kale waxan 

halkan ka salaamayaa, dhamaan mucaaridka, xaq doonka ah, inta cadaaladda jecel iyo sinaanta, ee aan 

reer hebel baynu nahay ku ceeshin, Sidda maamulka askarta xumbadda ka tuura " Xaafad-Tooyadda" Waa 

guriggii moorgane. Waxan halkan hambaliyo iyo bogaadin uga dirayaa Ummadda Reer Somaliland, meel 

ay aduun-yadda ka joogaan-ba, inta kale ee hunguri doonka ahina, derbiga madaxa ha ku dhufteen, waa 

kuwa reer hebel iyo tolaayey kala dhex biixi waayey ummada'e. Abwaan Qaasim baa waxa laga hayaa " 

Ragu iga tag, kaagama tagee, xumaha taab-siiya" oo micna-heedu yahay, markuu is arko in aanu wax 

ahayn, ee khasaaruhu soo ka soo gaadho, farsami iyo talalo xumaantiisa ( Waa-ba kuwan oo cuqdadi u sii




 dheer tahaye), miyirku uma soo noqdo, marka laga dhiijiyo bay noocaasi wax gartaan, laakiin nasiib darro 

labadan askari iyaka wax u daran uun aduun sidee baad u heshaan, oo waa "Hunguri wad ma arko". 

Akhristaw Tafaraaruq waa kaw, nin-ba waa waa halkay dhigtaaye tamar-tiisu iyo taag-tiisu, ee ha la isu 

badheedho, ninkii liitaa ha hadho, oo waa bahar iyo habeen-keed, waayo wax la isu sii dugsadaama 

yaalaan meesha, siddii adhi weere galay, kala gaabiyey, baa loo kala didaye, yey eersan doontaa, maantana?


 

.Hadaan talladda cishadda looog-yahay, cidnia yeelaynin, asay cidhiidhiga gashoo, col iyo qaaq gaadho, ceeb 

weeye geelaw, ninkii soo calaa-calaye.

Allay-lehe, saaka bay si wacan isu aragtay, " Kii Uus buurnaa" waa ka la yidhaaho " Ma kashbacay, kelyuu may 

kareen, kadab la'aan-taydda" ( Waa Maayar Ku sheega ka ah Hargeysa, ee ay caloosha qabyaalad reer hebel 

ahi dhaamisay, Raggii ma adigaa ka hadhay iyo geenyo shaaximan, bakh-bakh-dooddiii ahayd yaa 

Mudaaharaad ka dhigi kara Hargeysa? Ma la yidhi kaalaye wax sameeye, afkay kala haysan waydaye. Kuwaas 

oo meel kaste soo toomiyey askar, saw waxay yihiin lama taabsiin saaka, oo indha-hoodda oo shan ah khasab 

laguma furin, lagumana gelin Xaruntii Waddani, Waxay xalay dariiq-yadda ku daadiyeen, oo ay ku xidheen 20

 Iska roga oo dhagxaan ah, wixii waxay ku dambeeyeen biyo col dhaanshay iyo ina wax kama jiraan, waa loo 

cudud sheegtay, ilayn waa duul aan lahayn maskax ay ku waayo'arkaane, oo illaah-ba aanu ugu tallo gelin 

garsho iyo wax uun xeeriya'e, noqday macaan jecel sonkor banaan ka heshay, dabeed-na ku degtay, ee 

Maanta baa indhaha loogu jeexay Tooray saddex geesley ah.

 

Dhaaxaan Jalaadaye, dheg baan jalaq la ii siine, Bal cidda ay caano ka daadana-yaan, ee cirka roob keli-good 

ku ogi, ha ku lusheen waa kuwii diiday nabadiiye iyo wax wadda lahaansho, ee uu "raggii ma adigaa ka 

hadhay Iyo Geenyo Shaaximan" loo taag la'aaye, waa kuwii siddii awr raray ah, oo dhane ka soo cabay "Ceel-

dhanaan" afka cirka u taagayee, durba hugunkii hoos ma loo dhigay iyo hadraddii, Horaa waxa loo yidhi 

"Ninka soo joog laga waayo, soo jiif baa laga helaaye" Qas ha kaco, qasaarana ha dhaco, oo qoysna yuu 

hadhine, Doqon Qososhay, qaaraha ku dhaca way u qalan-taaye" ha isla bas beesho, waa tii beenta isku 

maaweeli-naysay iyo cudud banau leenahaye, saw xoog laguma marin, waa taas oo abadda ah, oo joogto ah,

 ha iska kala dareerto, ciddii wax ku haysatay-ba ha waydo'e. waxan kus oo af jaray maqaalkan, Shalay 

Goboladdii bari waxa Madax-weyne in uu yahay kaga dhawaaqay " Cali Sandule" oo ah Nin u dhashay 

Gobolka Sool, Hore Badhan ba au tagtay, Hawd Baa maamul gaar ah isna Khamiistii ku dhawaaqay, Burco iyo

 Ceerigaabo mudaaha-raadadu way isugu joogaan. wax la yidhaaho Isaaq-na ma jiro, waa idinkii halkaad 

dhigteen ogaa. Gabay aan in yar ka hayo, oo wakhti hore la tiriyey, baa waxa ku jira " tusbax go'ay dheh 

Caamiraw, Waxad talisay baa yaale, Siddii toojo geel baad hadeer, dabadda taag-teene. Tumaatidda markaan

 kugu dhuf-taad, taaha ku cawayne. Waa sidaase iyakii ma isi soo takhleengeeri iyo mag la'aan.


* N.B Dhaaxaan Jalaadaye, Dheg Baan Jalaq La Iisiine!


Qore:- Abdi-Shotaly.



AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...