Somaliland: Yeeli Mayno Muddo Kordhis Dambe iyo Doorashooyin Baaqday
Waxaa maanta Hargeysa ku kulmay Golaha Guurtidda Somaliland iyo Guddiga Doorashooyinka Qaranka. Waxay ka wadahadleen qabitaanka doorashada
barlaamanka iyo dawladda hoose oo la filayey in la qabto bisha Disember,
2019.
Shirkaa ka bacdi, Guddoomiyaha Golaha Guurtida, Saleebaan Maxamuud Aadan, "Saleebaan Gaal" ayaa u sheegay warbaahinta Somaliland in aan la qaban doonin doorashooyinkaas. Wuxuu Saleebaan Gaal marmarsiyo ka dhigtay, warbixinta ay Golaha Guurtida siiyeen Guddiga Doorashooyinka Qaranka.
Shirkaa ka bacdi, Guddoomiyaha Golaha Guurtida, Saleebaan Maxamuud Aadan, "Saleebaan Gaal" ayaa u sheegay warbaahinta Somaliland in aan la qaban doonin doorashooyinkaas. Wuxuu Saleebaan Gaal marmarsiyo ka dhigtay, warbixinta ay Golaha Guurtida siiyeen Guddiga Doorashooyinka Qaranka.
Haddii ay arrintani run noqoto, waa nasiib
daro. Waa wax aan la aqbalayn. Waa markaa seddexaad ee barlaamaan
fadhiyey dhowr iyo tobban sannadood, oo qudhmay, oo bukhuuray, oo
fashilmay, oo an waxba isku falayn, muddo kordhis loo sameeyo. Waa ayaan
darro.
Waxaa ka sii daran, Golaha Guurtidda iyo
Guddiga Doorashooyinku waxay eedeyeen xukkuumadda, xisbiyadda Qaranka
Somaliland iyo barlamaanka Somaliland, oo ay leeyihiin waxay ka soo bixi
waayeen hawlahoodii, hadday noqoto maalgelinta doorashooyinka, ama
sharciga lagu qabanayo doorashooyinka amaba xisbiyaddii oo kala noqday
kalsoonidii Guddiga Doorashooyinka.
Markaa, Saleebaan Gaal iyo Guddiga
Doorashooyinku waxay ina leeyihiin, Somaliland way fashilantay. In wixii
loo soo halgamayey, ee dad farabadan naftooda u horeen, in ay kuwa
maanta jooggaa iska lumiyeen. Yeeli Mayno.
Warkaa maanta ka soo baxay afka Saleebaan Gaal, haddii wax laga qaban waayo, cadowgii inoo jabi, saxiibadeenna niyad jabi. Yeeli Mayno.
Maanta, haddii aan ahay Madaxweyne Muuse Biixi
Cabdi, waxaan isticmaali lahaa "emergency decree" xukun deg-deg ah,
waxaan eryi lahaa dhamaan Golaha Guurtida, Golaha Barlaamanka iyo
Guddiga Doorashooyinka, oo aan ku bedel laahi, Golayaal ku meel gaadh
ah, ilaa iyo inta doorashooyin la qabanayo sannadkan.
Yeeli mayno muddo kordhis dambe, yeeli mayno been iyo musuqmaasuq lagu burburiyo dalka iyo dadka, yeeli mayno qabiilnimmo ina kala firdhisa, yeeli mayno wixii loo soo halgamey in lagu ciyaaro. Yeeli mayno in Somaliland ay geed ku xidhaan golayaal iyo guddiyaal iyo siyaasiyiin fashilmaay.
Yeeli Mayno.
Wa Bilaahi Towfiiq
Axmed Kheyre
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...