Muuse Biixi Iyo Talada Dalka Sidee Xisbiga Wadani Hogaanka U Hanankartaa (Qaybtii 65aad) Qore : Maxamed Xoosh

0
Sunday March 24, 2019 - 06:57:18 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1106
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi Iyo Talada Dalka Sidee Xisbiga Wadani Hogaanka U Hanankartaa (Qaybtii 65aad) Qore : Maxamed Xoosh

    Ma jirto dunida qaadatay nidaamka siyaasiga ah ee xisbiyada badan Xisbi aan lahayn fikir iyo aragti oo kursiga koray ama hogaanka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ma jirto dunida qaadatay nidaamka siyaasiga ah ee xisbiyada badan Xisbi aan lahayn fikir iyo aragti oo kursiga koray ama hogaanka
u qabtay umad ku kala baxda sanduuqa doorashooyinka


Xisbiga Kulmiye labadII doorasho ee ugu danbeeyay aragtiyihii badnaa ee uu jamhuurkiisa ku qanciyay waxa ka mid ahaa JEEGAAN iyo Barnaamijyo kale oo badan ….



Xisbiga Mucaaridka ee Wadani waa in uu ogaadaa in KAADHKA JEEGAAN LA ISTICMAALAY LABA JEER mar sadexaad ma suuroobayso"Formula dhamaatay”


Jeegaan waa isbahaysi siyaasiya oo la isweydaarsady oo hadii la sii wado khatar gelin kara Qaranimada Balse Hogaanka Xisbiga Kulmiye aanu yeelayn mar danbe in doorasho lagu galo


Xisbiga Wadani waxa la gudboon in uu raadkii guuldarada ee ka dhashay doorashooyinka ka maydho taageerayaashiisa iyo weliba qayb ka mid ah madaxda xisbiga WAA HADII UU DOONAAYO INUU HOGAANKA DALKA U QABTO!!!


Runtii Xoghayaha cusub ee xisbiga wadani wuxuu geliyay dhiig cusub iyo dardar hor leh waxaase Xoghayaha dhaawacaaya hadaladiisa isagoo marwalba ka dhigaaya Xisbiga Wadani DULMANE aan danbi lahayn oo laga leeyahay dalka iyo isagoo la hadlaaya muwaadiniin gaar ah xagay ka ahayd inuu kasbado bulshada oo dhan


Xisbiga Wadani wuxuu haystaa banaan weyn oo uu ku ciyaari karo weliba jabsan karo qayb weyn oo ka mid taageerayaasha Kulmiye iyo dad badan oo gaadhay ama gaadhi doona da,da lagu codayn lahaa iyo bulsho aanu gaadhin sanduuqu …


Intii doorashooyinka ka danbaysay ilaa maanta ma arag Warbaahin dhexdhexaad ah oo afka Xisbiyada Mucaaridka ah ku hadlaaya oo falanqayn kara dhibaatooyinka bulsho ee dhinac walba inaga hadheeyay


Xisbiga Wadani hala yimaado Barnaamij uu doonaayo inuu dalka wax kaga badalo xaga imika sheekadiisu tahay u jawaab TALAABOOYINKA AY QAADO XUKUUMADA MAANTA JIRTAA


Xukuumada Muuse Biixi waxay doonaysaa in ay ku jawaabto waxqabad sawirka weyn la arki doono dhamaadka mudo xileedka Xisbul Xaakimka , Wadani waxa la gudboon in tartanka mucaaridnimo kor loo qaado oo la barnaamijeeyo lana qanciyo shacabka.





Alle Ayaa Mahad leh


[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...