War Deg Deg Ah:-Ciidamo Ka Amar Qaadanaya Muuse Biixi Oo Xabsiga Dhigay Mujaahid Cabdi Ibraahin Cabdulle
Hargeysa(HWN):-Ciidamada booliska oo caawa si toos ah uga amar qaadanaya Muuse Biixi ayaa goor dhawayd gurigiisa ugu daatay mujaahid Cabdi Ibraahin Cabdile oo hada loo garan ogyahay muwaadinkii daa ka rogay kalmadaā€¯Ila Meerayso).
Ciidamada booliska oo isticmaalaya amar ka haystaan Muuse Biixi isla markaana isticmaalaya awood sharciga baalmarsan ayaa goor dhawaydu daatay guriga mujaahid Cabdi Ibraahin Cabdile oo ku yaala xaafada Siinay ee degmada Axmed Dhagax.
Ciidamada booliska oo aan sidan wax waaran ah oo maxkamadi u soo siisay qabashada muwaadin Cabdi Ibraahin Cabdile ayaa awood ku kaxaystay isla markaana ilaa hada lama garanayo meel ay geeyeen.
Xadhiga mudaahid Cabdi Ibraahin Cabdile ayaa ku soo beegmaya wakhti uu caawa Muuse Biixi ka samaynayo magaalada Hargeysa xasuuq ka dhan ah cid kasta oo ka soo horjeeda isla markaana uu xabsiga ku dhigay saraakiil ka tirsan xisbiga Waddani iyo dhalinyaro halka uu qaar kalana ku daba joogo ilaa hada.