Hargeysa Oo Mudaharaado Ka Qarxeen, Gurigii Guddida Mataanaha Arab Iyo Garxajis Oo Albaabada Layskugu Dhuftay Iyo Ugaadhsiga Dhalinyarada Oo Bilaabmy

0
Sunday November 17, 2019 - 22:26:34 in News by
  • Visits: 5844
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargeysa Oo Mudaharaado Ka Qarxeen, Gurigii Guddida Mataanaha Arab Iyo Garxajis Oo Albaabada Layskugu Dhuftay Iyo Ugaadhsiga Dhalinyarada Oo Bilaabmy

    Hargeysa Oo Mudaharaado Ka Qarxeen, Gurigii Guddida Mataanaha Arab Iyo Garxajis Oo Albaabada Layskugu Dhuftay Iyo Ugaadhsiga Dhalinyarada Oo Bilaabmy

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa Oo Mudaharaado Ka Qarxeen, Gurigii Guddida Mataanaha Arab Iyo Garxajis Oo Albaabada Layskugu Dhuftay Iyo Ugaadhsiga Dhalinyarada Oo Bilaabmy


Hargeysa(HWN):-Qaybo ka mid ah magaalada Hargeysa ayuu ka bilaabmay mudaharaad xoogan oo lagaga soo horjeedo habdhaqanka qalafsan ee uu la soo baxay Muuse Biixi iyo xadhiga uu kula kacay masuuliyiinta ka tirsan xisbiga Waddani.


Dadweyne Gadoodsan ayaa iskugu soo baxay qaybo ka mid ah jidadka magaalada Hargeysa, kuwaas oo soo bandhiya sida ay uga soo horjeedaan habka Muuse Biixi dalka ku maamulayo, masuuliyiinta xisbiga Waddani ee uu xabsiyada ku guray iyo kaligii talisnimada uu muujinayo.




Dadweynahan ayaa ka cadhaysan qaabka Muuse Biixi u wajahay mudaharaadka uu ku dhawaaqay gudoomiyaha xisbiga Waddani ee uu shacabka kaga codsaday inay iskugu yimaadaan xarunta uu xisbiga Waddani ku leeyahay magaalada Hargeysa.


Dhinaca kale Muuse Biixi oo caawa fulinaya qorshe ka dhan ah jiritaanka somaliland ayaa mar kale amar ku siiyey ciidamada amaanka inay hawl galo ka bilaabaan degmooyinka ay ku badan yihiin mucaaridkiisu.


Ciidamada amaanka oo adeegsanaya awood sharciga baalmarsan isla markaana aan haysan wax waaran ah oo ay ka sitaan maxkamadaha dalka ayaa bilaabay inay ugaadhsadaan dhalinyarada degmada Axmed Dhagax, iyaga oo tagay goobaha ugu badan ee ay da’yartu iskugu yimaadaan.


Ciidamada amaanka oo caawa si toos ah uga amar qaadanaya Muuse Biixi oo ku sugan gurigiisa magaalada Hargeysa ayaa xoog ku galay guriga ay ku kulmaan guddida horumarinta beelaha mataanaha ee Arab iyo Garxajis.


Warar soo gaadhay Hadhwanaagnews ayaa xaqiijiyey in ciidamada amaanku ay albaabada iskugu dhuftaan guriga ay ku kulmaan dhalinyarada beelaha Mataanaha ee Arab Iyo Garxajis kaas oo uu Muuse Biixi u arko goob laga soo abaabulo mucaaridnimo xoog badan oo lagaga soo horjeedo.


Sidoo kale Hadhwanaagnews ayaa loo xaqiijiyey in ciidamada amaanku ay galeen dhisme ku yaala kadinka xarunta degmada Axmed Dhagax kaas oo ay ku kulmaan dhalinyarada afkaaraha siyaasiga ah kaga soo horjeeda Muuse Biixi iyo nidaamka sharciga baalmarsan ee uu dalka ku maamulayo.



Wixii Warar Ah Ee Ka Soo Kordha Mudaharaadada Hargeysa Kala Soco Hadhwanaagnews.com

Loading...
Loading...