'' Kaftanka Galabta , Baadina Ma Bakhdaasay Keentay ''.
ayaa jaadka aad u cuni jirey ,ka dibna habeenkii oo dhan markuu soo qayilo ayuu maqsin uu seexan jirey iman jirey .
Ninkaa muqayilka ihi , markuu is idhaahdo jiifso ayuun baa maqaaxi u dhawayd niman ku qayila oo suufiyaal ah uu ka seexan waayi jirey hadba qasiidada ay qaadayaan iyo sacabkooda .
Habeen walba siduu u baaxaadagayo ayaa waagu u baryaa .
Maalintii danbe ayuu tashaday , waxaanu ku tashaday in uu maalintii oo dhan hurdo , habeenkiina iska qayilo maadaama aanu jaadka iyo durbaanada wadaadada aanu ka seexanaynin .
Maalintii danbe ayuu qadada dabadeed hurdo isu diyaariyey , markaasuu jiifsaday , dhinacaba haduu dhigay mise waa durbaan iyo sawaxan aan markeliya kala joogsi lahayn .
Galabtii oo dhan buu ka seexan waayay durbaankii , markaasuu isago cadhaysan soo baxay jaarkiina waydiiyey cida durbaanka tumanaysa , markaasaa laggu yidhi , Islaantii Baadda ee jaarkan ayaa xaawo iyo faadumo samaysayoo , halkaasaa lagg tumayay durbaanka , markaasuu isagoo xanaaqsan ku jaawabay , oo Baadina ma bakhdaneey keentay . imika waa halkaase , Solteco na ma tanuu keenay , hadmuu Wasiirkii daakhilaga noqday
W/Q: Ahmed Nour Guruje
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!