"Siyaasada Somalida Xagay Ka Guracantahay! Bal Eegoo Dalkayga Somaliland"

0
Sunday November 17, 2019 - 20:24:16 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1769
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Siyaasada Somalida Xagay Ka Guracantahay! Bal Eegoo Dalkayga Somaliland"

    Qoraalkan Kuma Saabsana Dal Sidii Loo Horumarin Laa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qoraalkan Kuma Saabsana Dal Sidii Loo Horumarin Laa.

Lakiin Waxaan Arkay Anigoo Dhagaysanaya Siyaasiyiin. Ha Noqdo Madaxwayne, Mucaarid Musharax Amaba Siyaasyin Hore Ku Fashilmay Siyaasada Amaba Qaar Ku Cusub.

 

Iyagoo Ka Hadlaya Kulumo Sida Qalin Jabinta Jamacadaha Amaba Seminarada Kala Duwan Haday Noqoto Mid Cafimaad Iyo Mid Shirkadeed Amaba Mid Dhaqaale Iyo Kulamo Shirar Kale Oo Badanba.

 

Kama Hadlaan Agendaha Amaba Mooqifka Kulankaa Ee Waxa Isku Badalaa Goob Tartan Siiyaasad.

Tusaale Arday Qalin Jabinaysa Uma Baahna Lolan Siyaasadeed Inay Ka Dhex Maqlaan Kulankaa. Amaba Arin La Hadal Hayay Oo Socday. Lakiin Hadii La Soo Casuumo Qaar U Tartamaya Madaxwayne Amaba Madaxwaynaha Laftigiisa Waxay Rabaan Inay Maqlaan Barnamijkooda Amaba Xukuumad Amaba Mucaaarid Maxa U Qoondaysan Inay Shaqu U Abuuran Dhalinyarada Qalin Jabisay. Wax Kale Ma Rabaan Inay Maqlaan Iyo In La Hambalyeeyo Walidka La Soo Dadaalay Iyo Ardayda Guusha Gaadhay.

 

Kulamada Kalana In Agenda Amaba Wuxuu Ku Saabsanyay Laga Hadlaa Fiican Amaba Horumarkiisa Iyo Wixii La Mida.

Hadaba Anaa Ku Sheegaya Maxa Keenay In Siyaasiyinta Somalilanders Kulamadan Ay Uga Dhigtaan Garoon Lagu Tartamayo Oo Mooqifki Loo Yimid Meesha Laga Leexdo.

 

1.)Somaliland Horta Barlamaan Amaba Gole Wakiilo Horumar Leh Ma Laha, Loo Casriyeeyay. Doodoihina Loo Sameeyay Protokoll Sida Aduunka Kale Siyaasi Kaste Madaxwayne, Musharax Iyo Xilibaano Waxay Ku Doodan Oo Gaaroon U Ah Barlamankooda. Waxa La Siiya Musharaxa Iyo Madaxwaynaha Iyo Xusbi Kaste 15 Daqiiqo Iwm. Isla Markaan Laga Waydiiya Suaalo Ku Saabsan Dooda Marka Ay Jeediyeen.

 

2.) Somalilanders Amaba Somalidi Qofakste Oo Xisbi Kaste Oo Sual Kaste Isku Qadaya Arkaysaa. Aduunka Kale Qof Suaalaha Waxa Loo Daaya Qofkaste Kuwa Masuul Looga Dhigay Ku Sabsan Subjekt. Tusaale Qof Wuxuu Ka Hadli Karaa Uun Kuwa Dhaqalaha, Qof Kuwa Cafimaadka, Qof Kuwa Sport Iwm. Arki Maysid Xooghaye Guud Oo Xusbi Ka Dhex Muuqda Xusbiga. Shaqadiso Waa Horumarka Xusbiga Iyo Members Siday U Badn Lahayeen. Lakiin Maha Inuu Isku Badalo Musharax Oo Waxkaste Isku Qado Ka Hadlo.

 

3.) Siyaasiyiintani Ma Dhacdo Waayo Waa Qaar Soo Shaqo Tagay Oo Markay Shaqo Beelan. Garan Kale Soo Xidnahayaan. Wana Siyaasada Siiba Somalida Ayaad Arkaysaa Nin Shalay Fiqiir Aha Lix Bilood Gurigii Iyo Gaadhi Badalay Isla Markana Fooq Dhismihisi Bilaabay. Mushaharada Qaar 10 Sano Haday Shaqeeyan Kale Ka Dhisankareen Ee Musuq Masaq Wax Is Dhaafis Weeyan. Akhiro Xagay Ku Dambayni.

 

4.) Cid La Xisaabtanta Ku Hore Iyo Mid Jooga Ma Jirto. Dalka Aduunka Ugu Quwada Wayn Waxa Ku Socda Ina Madaxwaynaha La Rabo In La Soo Is Taajiyo Maxkamad Oo La Xukumo Waayo Khalado Ku Dhacay Loo Malaynayaa. Waxa Kamida Inu Yidhi Nin Mucaarid La Tartamaya Soo Baadha. Kursigaagana Uma Adeegsan Kartid. Intrest Adi Ku Shaqsiyan Ku Ah Iwm. Waxayalo Kale Wa Lagu Haystaa. Tani Tusaale Ahayd Aan Soo Qatay.

 

5.) Manta Madaxwayne Muse Bixi May Ahayn Doodisa Inuu Ka Hadlo Wax Cafimaadka Dalka Dhafsan. Wixii Kale Shirjaraaid Amaba Press Qabto Madaxtooyada Ahayd.

 

Fariinta Ugu Dambaysa Xagan Ku Soo Gudbinayaa Ah Qabyaalad Xun Haysata Somaliland Iyo Dadka Somalida. Waxa Arkaysa Si Indha Li Qaar Dad U Tageeraya Madamo Isku Qabiil Yihiin. Waxa Cad Xusbiyada Samaysanay Dadka Badankoodu Musharaxa Ku Tageeran Qabiilkisa Amaba Madaxwayne. Qabyaaladu Si Baahsan Oo Boqolaal Buug Laga Qori Karayo Ina Samaysay. Dee Bal Hadi La Casriyeeyo Shaqo Doonatid Lagu Yidhaa Ka Waran Haa Ma Waxa Dagntahay Togdheer, Awdal, Gabilay, Magalado Dhexdeeda La Kala Saro Si Loo Garto Qabiilkaga, Haa Waxa Dagntahay Masalaha, Idacada Iwm.

Dadow Uff Dhaha Bahasha Qabyaalada.

 

Ugu Dambayn Nin Waxaan Dhagaysanay Ka Hadlayay Siyasaada Africaanka Yidhi 90 Jir Musharaxa Lagu Wado Gadhigii Curyaanka Laga Helayaa. Leh Ha La I Codeeyo. Madaxwayne Oboma Iyo Clinton 46 Iyo 47 Ku Noqdeen Ma. Kuwaa Hadaba 70-90 Ma Waxay Nagu Hogaaminayaan Buu Yidhi Xabaasha.

Inkastoo Markan Maraykan 76 Jir Sharaxan Yahay Iyo Madaxwanaha 70 Dhaafay.

 

Waxaan Uga Jeeda Administration Madaxwayne Muse In Qaar Shaqo Qabanaya Oo Xawara Ku Socda Oo Wada 30-50 Loo Bahanyahay. Hore U Idhi 30 Jir Miiska Cidkaste U Garacaya Loo Bahanyahay Kuwaasa Dalka Aqoonsigisa Meel Gaadhsiin Laa.

 

Point Qoraalkan Ugu Muhiimsanaa Fadlan Kulamada Agenda Ha Lagu Koobnado. Yaan Laga Dhiganin Garoon Lagu Tartamo.

Wa Bilaahi Tawfiiq.

//Mohamed Dhamac

[email protected] 


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...