Hagaag Uma Talaabsado Nin-kaan Hamaga Saaraaye ( Abdi-Shotaly).

0
Sunday November 17, 2019 - 19:58:33 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1699
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hagaag Uma Talaabsado Nin-kaan Hamaga Saaraaye ( Abdi-Shotaly).

    Waxa la yidhi " illaahayaw nimaan wax ogayn ha cadaabin" Ilayn waa iska dacal-basar,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa la yidhi " illaahayaw nimaan wax ogayn ha cadaabin" Ilayn waa iska dacal-basar,

oo aan wax kale loo abuurin, ee rabbi uu ugu tallo galay in uu dhulka ku miisaamo sidda buuraha, dhirta iyo wax kaloo la mid ah. ilayn dad uun baa lagu tirin lahaa, haday ku ekaan lahaayeen qaabkii uu Eebbe ugu tallo galay oo keliya, Laakiin aqoon-taas yar ee Alle madaxa dul saaran uu ugu shabay, iyaba waa nasiib darro'e, waxa uga sii dambeeyey kuwo hoos ka sii xiga, qaar aan maskax-ba lahayn, oo uu madaxu iska dul saaran yahay sidda " Faysal Zaad" Malaha sidan way dhaami lahaayeen, haddii ay ku meel maraan intii Daayin ugu deeqayoo qudha. Akhristaw taas waa saleelee, oo sidaasi sareedo iyo badh bay u noqon lahayde, waxa weliba u sii dheer in lagu sii adeegto, oo mid isaggii dar alle u silicsani, ku nool wax yar oo loo tuuro, laguna laaluusho hebel iyo reer hebel ka daba waaqlee, oo yaanay heshiin, kala jab-koodda ka tali, kaas oo isaga laf-tiisu ( Waa Faysale) aan meela haysan, bal waxad is weydiisaan ama qiyaas-taan ka uu kaasi sii dirtay, ee uu yidhi, madax baan ururka Ucid la yidhahao kaaga dhigay " Waa ka Faysal Zaad Nolol Maalmeed-kiisa ka soo saaro'e". Saw reer ba'aw yaa ku leh maaha, kuwaas baa ummad doonaaya in ay hogaamiyaan.

 

Aan hoos u soo daadego, oo idin kebisiiyo, halka ay islaantu agoonta adhiga uga lisi kari weydaye. Muwaadiin adba waad yaabiye, shalay oo ay Taariikh-du ahayd ayaan Jimce ah, kuna suntan 14/11/2019, waxa Xamar igala soo hadlay "Weriye Good" oo ka mid ah saddex-ddii weriye ee Hadhwanaagnews, ee Xamar U baxsaday, ka dib markii Xoriytal-qawlkii loo adeegsaday in ay xidhaan, dad aan sharci u soo marini oo af-dulaaq iyo Labadda askari ka dambeeyaane. Aan u soo noqdo, waxa igu kelifay maqaal-kane. Mid sidda aan sare ku sharaxay, Lagu sheego Gudoomiyaha UK ee Urur ku sheega Ucid ( Ma jiraan wax uu cid u yahaye), baa waxa uu wacay Hadwanaagnews iyo xamar, halkaas oo ay ku sugan yihiin, weriya-yaashii ka baxay dalka. wuxu ku yidhi " Waxad qortaan Abdi Shotaly Baa habeen Hore " Booliiska Ingiriisku uu ku weeraray Gurigiisa"  Hdadda ka waxaas odhanayaa, waa ka uu Faysal Zaad madaxdda uga dhigay UK ( Ilayn abuur lama doorsho). ku darso oo ka waxaas ku hadlayaa wuxu joogaa "London". oo ku suntan, kagana duwan caalamka kale ama ku calaamadsan hooyadda " Xoriytaul-qawlka, Xuquuqal-Insaanka, Saxaafadda Madaxa Banaan, oo aanay ka jirin keliggii taliye, leh maxakamado madax banaan, oo aanay xukuumadi amar siinin xukaamta fadhidda. laga banaan-baxo wixii aad diidan tahay, looga yeedho Saxaafadda UK dhamaan-tood markaad shir doonto in aad qabsato. Ahana halka qof kaste oo dareema, in meel lagaga dhacaayo bani'aadmka sharaf-tiisa uu u soo caymado. Akhristaw kan caqliga yari ku jiro, ee Fazal Zaad inta loo tuuro ka sii daba ceesha, waa ka aqoon-tiisu ay sidaas bes tahay, ee isma uu lahayn been ka sheeg Booliiska UK, ee wax dheh uun buu is lahaa ilayn afka au kaal jeexane" dabee-na waxa ka soo booday, wixii uu ku sii balamiyey faysal Zaad, ee uu ku yidhi, markaan dalka ka baxo sidaas ku dhawaaq.

 

Waxan ku soo xidhay Maqalkan, Wuxu yidhi Tima-cade (Ihun), " Hagaag Uma Talaab-sado, nin-kaan hamaga saaraaye, markan anigu hoonka u tumay, haadka bixiyaane" Ma aan ihi nin lagu soo dheereeyo, oo cad-kiisa dheel-dheel iyo is tus lagu cuno'e, weligay-ba been fakatay waan ka daba tegi jirey, oo aan lugtay ku tukubayso soo qaban jireye, kan yar ee shalay ka bacaac yidhi London, waxan leeyahay, dameer dibirey wuu danaani-yaaye, Ma ka aad u adeekto, ee isaggii askarigu tidhka ka soo bixiyey illaa London, baa kuu sii kala shaxaaday wixii la yidhi Hudheelka iskaga bixi. Wuxu yidhi Salaan Carraby (Ihun), " Waxaw halis ah badaw hayjad galay, inu halaabaaye, mar hadaan hulaabta iska rogo, soo hankaab-sadaye, Hoobaaq rag waw qodi jiraye, Hilin ma qaad-siiyey" Waxan uga jeedaa, weli malaha maad baaluqine, heer-kaana maad gaadhin, mid aan wax isagu-ba ahayn ( Faysal Zaad), baa xil aanad geyin kugula kufaye, siyaasadu been la sheego maaha, mana joogtid halkii beenta lagga dhaqmi jirey ee afrika, Abdi-Shotaly ma joogo "Xaafad-tooyadda" ( waa guriggii Moorgane), la igamna xukumo, mana hoos fadhiyo " Raggii ma adigaa ka hadhay", hadaad aqoon leedahay, adoo Caasimadda Boqortoo-yadda UK ku nool, maad tidhaaheen, Askar baa Abdi-Shotaly ugu daadatay Guriga, waxase aad tilmaantay shakhsi-nimadaadu inta ay le'eg tahay, waayo hadii aad in uun garasho kugu jirto, waxad garan lahayd aqqonta taala London, in aanay ahayn tii askarta, intaas nagaga filan waxad tahay. oo adaa is kashifay.

 

* N.B Hoobaaq Rag Waw Qodi Jireye, Hilin M a Qaad-siiyey.

QorE;_ Abdi-shotaly.

 

[email protected]

 


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...