Madaxwayne Muuse Biixi Oo TACSI udiray Ehelkii Uu Ka baxay Garyaqaan Jaamac Cilmi Xaashi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda
Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda
iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa
bahda qareenada Somaliland, waxgaradka, waayeelka, qoyska, qaraabada, ehelada,
asxaabta iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay alle ha u
naxariistee Marxuum Garyaqaan Jaamac Cilmi Xaashi oo ku geeriyooday maanta oo
ay taariikhdu tahay 16/11/2019, Caasimada Somaliland ee Hargeysa.
Marxuumka oo ka mid ahaa guddidii
samaysay dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, xilalka xeer ilaaliyaha guud ee
qaranka, agaasimihii guud ee wasaaradda cadaalada iyo garsoorka, la taliyihii
arrimaha sharciga ee madaxweynaha, ka soo qabtay wakhtigii xukuumaddii
madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal "AHU” waxa kale oo uu noqday
gudoomiyaha qareenada Somaliland, wakhtigana ahaa la taliyaha Sharciga ee
golaha guurtida Somaliland, waxaanu geeriyooday maanta isagoo gudanaaya
waajibaadkiisa qaranka.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku
sifeeyey aqoonyahan hawl-kara oo ka baxay dalka iyo dadka, door muhiimana ka
soo qaatay dib u dhiskii iyo nabadayntii shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland.
Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE
uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, bahda qareenada Somaliland,
waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo
shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
Aamiin Aamiin Aamiin
Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!