Maxamed Kaahin Reerka Garxajis Oo Kaliya Ayuu Soomaaliweyn Ku Cambaareeya Kuwa Reerkoodana Wuu U Shafeeco Qaadaa Sida Riyo-Raaca Uu Wato
Uu Maalin Walba Beel
dhan oo halgan naf iyo maalba leh dhibaato iyo Jid dheer dalkan iyo Dadkaba
lasoo Qeybsatey uu Kaligood ku Xajiimeeyo kuna Cambaareeyo, Waa Soomaali-weyn
iyo waa Faderaal iyo Waa Xamar isagoo sigaar ah Uurxomada uu u Qabo uga
Faa,ideysanaya Beesha Garxajis kaligoodna ugu gaar Yeelaya, Taas oo aan Mar
aheyn laba aheyn laakiin Boqolaal jeer uu kaga Dhawaaqey Fagaarayaal iyo Goob
Bulshada Somaliland Wada joogto.
Miyaanay Cadaalad Darro
iyo Daciifnimo Shakhsiyeed ku aheyn Marka uu Casiis iyo Walli Soo Daahirey, ka
dhigayo Ninkan uu Sandulaha kaga dhigay Caqabadana ugu abuurayo Komishankii iyo
Dimiqraadiyadii Somaliland (Ina-Riyo Raac), Muxuu u Qarinayaa Soomaali-weyntii
uu kasoo Noqdey Wasiir-kuxigeenka Hadii uu ahaan lahaa Ninkaasi Nin Xisbiga
Wadani Watto oo Garxajis ah Waxaan Muran ka taagneyn in uu Qeylo Labada Daan ka
Wadhi lahaa illaahay Dulqaad Weynaa Waaka arkaya Cadaalad daradaa
iyo.Munaafqadaa Uurka ugu Jirta Maxamed Kaahin ee haddana Dubihiisa Maalin kale
u Dhiganaya.
Micno maleh Waa loogu
Seeto Dheeraynayaa si uu uNoqdo Khasnadihii Dunuubta, Waxaa Xusid Muddan mar uu
U Duurxulayay Siyaasiga Ismaaciil Buubaa Waxa uu Sheegay in aanu Xisbigooda
Kulmiye Nadiif ka yahey, oo aanu Horeyso.iyo Dambeyso Marnaba kamid Noqonaynin
Nin Xil Kasoo Qabtey Soomaaliya, hadalkiisu Wuxuu ujeedaa markaa Reerkaa
Garxajis ayuunbaa Soomaali Weyn ah Laakiin Ragga Tirada Badan ee Beeshiisa iyo
Beesha Madaxweynaha kasoo jeedaa ma aha Kuwa halkaa tagey ee Waa qaar ay u
Shafeeco Qaadeen.
Cudurka Kaa Galla
Fardaha Hadii Laga Gubo Dameer Dawada Lama Gaadhayo(Cudurka iyo uurxumada
Wasiirka Daakhiligu u Qabo Reerka Garxajis iyo Habaryoonis), Waa mid ka
Turjumaysa Shakhsiyadiisa iyo Cadaalada uu Faro.madhan ka joogo, Ninkaa uu
Maanta Dalkii Dhamaa iyo Mustaqbalkii.Somaliland ku Ijbaarayo Marka.Xisbiyahanimadiisa
iyo ololihiisa iyo aflagaadadii.uu Geystay laga tago Qodobka kaliya ee aanu
Komishan iyo Dhexdhexaad ku noqonaynin Waa Nin Xil kasoo Qabtey Dawllada Xamar
oo uu Dabrayo qodobkaa uu Reerka Garxajis ku Cambaareynayo ee uu Halgankoodii
iyo Tacabkoodii Somaliland ku Baabiinayo illaahaw Caadil, Waxaan.Leeyahey
Dhaarta iyo Axdiguba Ku Qabey uurxumadana Godka Ayaad la gali Doontaa.
Najiib Ismaaciil Maxamed
Gabiley Somaliland
Tell:0634466339
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!