Soomaalidu Waxay Adduunka Ku Hogaamiyaanba Garnaqsigaa Jira. Muse Yaau Sheega.
inuu ku garnaqsadaa bay ahayd oo loo xill qariyo dhibaatada hogaaminta ka haysata imika isagoo laga garjoogo oo Wadankii horuu wad la yidhi la meeraysanaya ayuu dumarkiyo caruurtii gar laga leeyey la horimanayaa.
Waxaynu u soo wada joognay in laba sano Gudidii Doorashooyinka dhammaantood la isku
haystay Xukuumadda iyo xisbiga wadani QAARKOOD LA ISKUMA HAYSAN EE KOMISHSNKOO
DHAN BAA LA ISKU HAYSTAY , WUU OGYEY MUSE. ka dib markii buugaagtii doorashooyinka suuqa ay ku
qaybiyeen iyagoo bilaa xaxiixa oo qaar la qabtay qaar lagu fooday gobolada
dalka, in muraaqibiintii Xisbiga Wadani iyo hooggaankii wadaniba qaar la xidhxidhay
,la garaacay sanduuqyadii la kala shushubay oo toban cisho meelo gaara lagu
haystay, in dad dhintay kaadhakoodii lagu fooday in caruur toban jiro ah oo
foodaysa la soo sawiray waxaa iyo wax ka badan lagu soo caddeeyey oo eedeeyey
komishankii hore dhammaantood oo inay dhan Xukuumadda iyo Xisbiga Xukuumadda la
ahaayeen la soo cadeeyey. Laba sano ayaa todobaddaa xubnood la isku
haystay wadanka gudihiisa iyo caalamkuba gartooda wuu galay, todobaa Xubnood in
la bedelo ayaa la kala saxeexday ,todobada badhkood lama kala saxeexan (GARI
ALLAY TAQAAN MUUSAW) aakhirkii sidii baa
arintaa laba sano ka dib meel loo saaray. SOMAALIDU WAXAY ADDUUNKA KU
HOGGAAMISAA WAA GARTA OO AY AAD U TAQAAN
.HARGEYSA OO QUDHA MAALINTII KUN GAROOD IN KA BADAN BAA KA DHACA, BURCONA HADALKEEDABA DAA.
HADDAAD SUUQA KHUDAARTA HARGEYSA MAANTA TAGTO WAXAAD ARKAYSAA SIXAARAD TAMMAANDHO AH OO QUDHUNTAY OO
DUKAANKII BEER WALIHII KU CELIYEY OO LA ISLA QAATAY IN SIXAARADDA AAN BULSHADA
CUNTO LOOGU DARIN EE LA CELIYO OO LA DAADIYO. HADDUU BEER WALUHU SIXAARADDII
QUDHUNTAY GACANTA GELIYO OO TAMMAANDHADII QUDHINTAY DIB U SOO CELIYO QAAR LAGA
YEELIMAAYO WAA SIDOO KALE GABADHAN UU MUSE SOO CELINAYAA WAA SIXAARADDII LA
CELIYEY BAY KA MID AHAYD. INANTU SIDDI MULDHUKH MAAHA.
Muse garxumadiisa wuxuu u dhigayaa sidii Komishan waqtigiisii
caafimaad qab ku dhammaystay oo badh lasoo celin karo sidaa maaha Komishanku
waa kii todoboqol oo BOG laga qoray ee labo sano la isku haystay ee uu saxeexay
oo ( between the lines) bay ku qorantay inaan mid laga soo celin waayo laba sano ayaa la isku haystay.
Muse waxaa cad inaan
cidi la talin waayo xusbigiisa iyo reerkiisaba dad akhyaar
ah oo indheer garada oo mutacalimiina ayaa ka buuxa oo sidaa la gar tag may yidhaahdeen OO MICROPHONE KA FUUL. Madaxwejne Muse hoggaa uu ku dhacay
xagga maamulka iyo bulsho hogaaminta waxaa ku riday Siilaanyo iyo Amina Weris
waayo (bus lane) ka ayey soo mariyeen OO gawaadhidii bay toos u soo dhaafiyeen
la tartamaysay, markay diideen inuu Maxamed BIIXI Yoonis uga boobeen Gudooniyanimadii iyo Murashax nimadii.
Imika wadanku meel uu u wado lama yaqaan gar kasta iyadoon
laba gelin buu waayayaa oo cidla bannaan
buu fadhiyaa maanta. Doorashona sidan ku dhicimayso ee jabhadaa samaysmayaa
qabaaila shiraya. Duqa Kulmiye Sudan
dawladnimo kuma damacsanee MUXUU
DOONAYAA MUXUU DOONAYAA.
M BASHE
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!