Madaxweyne Muuse Biixi Waxa Looga Baahan Yahey In Uu Furo Xisbiyocusub Oo Doorashada Ka Qayb Qaata.

0
Saturday March 23, 2019 - 19:13:11 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1048
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Muuse Biixi Waxa Looga Baahan Yahey In Uu Furo Xisbiyocusub Oo Doorashada Ka Qayb Qaata.

    Ugu horeyn waxaan waxaan salaamayaa bahda saxaafada iyo guud ahaanba dadweynaha akhristayaasha ah "ascww"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu horeyn waxaan waxaan salaamayaa bahda saxaafada iyo guud ahaanba dadweynaha akhristayaasha ah "ascww"
Salaam ka dib waxaa dalka ka dhacday dorasho ay shacabku codeeyeen si xor iyo xalaal ah. Hadaba intaasi ka dib waxaa dhacday in Xisbiga wadani oo doorashdii lagag guulaystay uu sameeyey buuq iyo sawaxan badan uu dalka iyo dadkaba galiyey.

Xisbiga wadani ayaa diiday in uu u hogaansamo Natiijadii doorashada looga guulaystay waxaanu ka horyimid Xaquuqda ah in qofku u codeeyo cida uu doono codkiisana Xor u yahey .Xisbigaasi waxa uu dadka taageersan u sheegay in la boobay arintaasi oo aheyd been abuur iyo kicin dadweyne iyo burbutinta dalkan iyo dadkan.



Xisbiga wadani waxa uu diiday in uu u hogaamsamo Natiijadad ay soo saareen Gudidad doorashooyinka qaranku isagoo xitaa gudida eedaayay ,eedahaasina aan soo bandhigin ama aan cadayn marka laga tagi waayo gudidu waxay ku dhawaaqeen in uu xisbiga kulmiye iyo murashaxii waqtigaasi hadana madaxweyne ah uu guulaystay.


Xisbiga wadani waxay dalka iyo dadka reer somaliland ee xaqa u leh in ay doortaan cida ay rabaana codkooda siiyaan u adeegsadeen dacaayado umada kala qaybinaaya cadowga somaliland u adeegaaya iyagoo gabi ahaanba dafirey in laga codeeyay shacabkii ka codeeyayna ugu yeedhay magacyo qabiil iyo aflagaadooyin ka hor imanaaya xaqa qofku u leeyahey xornimadiisa shaqsiyadeed iyo in uu cabiro ra yigiisa, qof ahaaneed.


Xisbiga wadani waxay guud ahaanba ku fashilmeen sharciyada xisbi ahaaneed waxaa taageeray dad ku hadlaaya magacyo qabiil iyo hanjabaado dagaalo sokeeye in dalkan laga abaabulo.


Hadaba waxaa meesha ka cad in xisbiga caynkaasi u dhaqmayaa aanu siyaasada somaliland la jaan qaadi karin.


Sidaasi darteed waxaa loo baahanyahey in lagu dhawaaqo furashadad ururo cusub oo dalkani yeesho xisbiyo fahansan waxa umadani rabto,oo, ujeedadad shacabka somaliland meel mariya.


Madaxweyne muuse biixi waa in uu ku dhawaaqaa furashada iyo tartan cusub oo loo galo xisbiyo cusub maadaama ay fashilmeen xisbiyadii hore qaar ka mid ahi doorashadiina diideen in ay galaan sabab la'aan.


Qore: Tahir hussein

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...