Dawlada Soomaaliya Oo Si Deg Deg Ah Ugu Yeedhay Wakiilkeeda Geneva Iyo Qaramada Midoobay
Muqdisho(HWN):-Dawladda Soomaaliya ayaa si dhaqso ah ugu yeedhay inay dalkeeda ku soo gasho Marwo Faadumo Cabdullaahi Maxamuud (Faadumo Insaaniya) oo ah Safiirka Soomaaliya ee Geneva iyo Xarunta Qaramada Midoobey Ee xuquuqul Insaanka ee magaalada Geneva.
Warqad uu ku saxeexnaa wasiirka arrimaha dibadda ayaa lagu amray Amb. Faadumo Insaaniya inay muddo aan toddobaad ka badneyn ku soo gasho xarunta wasaaradda ee ku taalla magaalada Muqdisho.
Laguma caddeyn warqada sababta sida deg deg ah safiirka loogu yeedhay, balse waxaa lala xidhiidhinayaa aamuskii ay haweenaydan Safiirka ahi ka aamustay qaraarkii lagu cambaareynayay go’aankii Madaxweynaha Trump lagaga soo horjeeday ee ahaa inay Israa’iil leedahay Buuraha Golan Heights ee dalka Suuriya.
Sidoo kala, lama oga wasaaradda arrimaha dibadda inay la ogeyd go’aankii ay safiirkeedani kaga aamustay qaraarka, iyadoo Soomaaliya ay ka mid ahayd shan dal oo qaraarka ka aamusay arrintaasi oo argagax ku noqotay dalalka Carabta iyo guud ahaan Islaamka maadaama Soomaaliya xubno ka tahay dalalka Islaamka iyo kuwa Carabtaba kuwaasi oo ka xumaa qaraarka uu Trump ku taageeray Yuhuudda in ay leedahay Buuraha Guulaan ee dalka Suuriya.
Halkan ka akhri warqadda yeedhmada safiirka: