'' Balantii Shalay Iyo Taxanihii Inoo Socday '' W/Q: Axmed Nuur Guruje

0
Sunday November 10, 2019 - 15:01:43 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1500
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    '' Balantii Shalay Iyo Taxanihii Inoo Socday '' W/Q: Axmed Nuur Guruje

    Shalay intiinii la socotay waxay inoo maraysay iyadoo siyaasiyiintii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shalay intiinii la socotay waxay inoo maraysay iyadoo siyaasiyiintii
mucaaridka ahayd iyo xukuumadii cigaal is hor fadhiisteen oo ay is laab xaadhen.


 

Hadaba iyadoo halkaas maraysa , Burcana aan weli maamul loo dhisin , dadkuna kusoo noqonin marka lagga reebo waxoogay yar ayaa dhacdo lama filaani dhacday .

 

Shaqaaqo ku saabsan arrimo jaad ayaa laggu dilay wakiikii jaadka ee Togdheer oo la odhan jirey gorgor .

 

Dilka marxuumkaa la odhan jirey gorgor waxaa loo qabtay 33 askari oo ka tirsan ciidamadii dhawaanta la isu geeyey , kuwaasoo gudi nabadgelyo ku xunkuntay xukun adag oo qisaas ah .

 

Si ay noqotayba qisaastii lama fulin , sidaa darteed Ardaagii uu ka dhashay marxuumka la dilay ayaa dhalinyarro ka tirsani oo wadatay baabuur teknimo ihi waxay rasaas ku fureen suuqii kelihi ahaa ee markaa Burco laggu soo noqday , rasaastaana waxaa ku dhintay dad badan .

 

Shilkani markuu dhacay xiisad balaahdan baa dhacday , waxaana wadnaha farta lagaga hayay in Burco dib ugu noqoto qalalaasihii .

 

Dr Gaboose oo ahaa Wasiirikii daakhiliga iyo madax kale ayaa markiiba degdeg ugu baxay Burco , waxanay ku guulaysteen in ay xaaladda xakameeyaan oo aan wax danbe dhicin .

 

Ayaamo ka dib guurti iyo dawlad ba meeshii waa la isugu tagay , waxaana go'aan noqday in dhalinyaradii dilka gaysatay lasoo qabto .

 

Qabashadaasina inkastoo la isla qaatay way adkaatay maadaama dhalinyaraddu aad u badnaayeen isku jufana wada ahaaayeen .

 

Ugu danbayn dhacdaasi si wanaagsan bay ku dhamaatay oo sulux iyo walaalnimo ah , waxaana door wayn ka qaatay Dr gaboose oo beeshiisa oo dhibtu gaadhay xakameeyey iyo xaaji dahabashiil oo xalinta dhibkaa door wayn ka ciyaaray .

Dhacdaas ka dib , dawladdu waxay burco u dirtay Mdaxwayne xiigenkii waagaas Daahir Riyaale oo fadhiisan looga dhigay Burco si uu dawladanimadda dhiskeda u hogaamiyo .

waxaana laggu kabay 3 latilyey oo kala ahaa ,

1-Jamac gaas mucaawiye .

2- Maxamuud adan dheri .

3- Dhagga-qool .

sidoo kale waxaa la magacaabay Maayarkii Burco oo ahaa Maxamed xusen iyo G/Gobolka oo ahaa Cabdi iBRAAHIN WAQOOYI .

Waxa kale oo iyana la magacaabay Taliyihii ciidanka Qaranka aaga barri oo ahaa title cusub oo markaa la sameeyey , waxaana loo magacaabay Xueen dheere oo ay reer burco si guud ugu wada kalsoonaayeen sababo jirey awgeed .

Halkaasaanay Burco ka bilowday dib u dhiskii iyo soo kabashadeedii .

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...