Sustainable Development/ Horumar-Waara Soomaalilaan Ma U Dan Baa?

0
Sunday November 10, 2019 - 09:49:55 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 181
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sustainable Development/ Horumar-Waara Soomaalilaan Ma U Dan Baa?

    Soomaalida oo ah ummad hadaleed ase aan waxba qori jirin Soomaalida

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Soomaalida oo ah ummad hadaleed ase aan waxba qori jirin Soomaalida
oo ah ummad hadaleed ase aan waxba qori jirin oo dhacdooyinka ay nolosha kala kulmaan iyo xikmadahooda, suugaan iyo sheekooyin iskugu gudbin jirey baa waxa laga hayaa murtida ah, "adduunyadu waa sagaal oo ma tobanowdo” oo micna ahaan noqonaysa in adduunyadu dhammays ahayn. Hadday tahay waddamada horumaray waxa uu ka cabanayaa hawo dikhawday, isbeddel cimileed iqk, halka waddamada aan horumarin na ay ka cabanayaan faqri, waxsoosaar la’aan, sicirbarar, musuqmaasuq iqk. Shalay dhibtii haysatay waddamada horumaray markay xalliyeen mid kalaa soo daba baxdey. Waddamadu sida aanay iskaga mid ahayn qaabdhismeedka dawladnimo ayaa qaabdhismeedka dhaqaaleed na ay ugu kala duwan yihiin. Tusaale ahaan USA, Kanada iyo Yurub iqk wax ay haysteen habka dhaqaaleed ee Hantigoosadka inkasta oo ay firqadaha uu u kala baxo ku sii kala duwanaayeen, Ruush, Jayna iyo Kuuba iqk waxa ay qaateen habka dhaqaaleed Hantiwadaaga la yidhaa. Tartanka dhaqaale ee dalalka ka dhexeeyay waxa uu keenay in mid walba uu kordhiyo waxsoosaarkiisa si uu u helo koboc dhaqaale. Si loo helo waxsoosaar badan waxa uu dal walba xoog u isticmaalay khayraadkiisa dabiiciga ah taas oo laba gooraale ba dhibaato ku keentay deegaanka iyo xayawaankii duurjoogta ahaa; mar waa idlaadka ku yimi khayraadka dabiiciga ahi mar na waa wasakhawga hawada ee warshaduhu keenayeen.
Lis Dairy



Hadaba dhaqaalayahankii la odhan jirey Thomas Robert Malthus 1798’kii aragtidiisii caanka noqotay ee Malthusian Trap/Theory uu ku in korodhka dadka oo dhaafa xadka cuntada uu quudan karaa ay keenayso dhinnaansho ku yimaada cuntada taas oo haddii ay sii socoto keeni karta masiibo. Si masiibadaa looga badbaado waa in kala badnaanshaha korodhka dadka iyo cuntada la is waafajiyaa iyada oo korodhka dadka la dhimayo. Waxaa kale oo uu ka digey in bulshada ama dawladda xoog u isticmaasha khayraadkeeda ay dhawaan ama mar uun dhibaato la kulmayso. Tiknoolojida ayaa runnimada aragtidii Malthus meesha ka saartay. Inkasta oo korodhkii cuntada ay tiknoolojiyaddu kordhisay oo maanta toddobada bilyan ee adduunka ku nool ku filan ama ka badan ba, xanuuno farabadanna dawo loo helay hadana waxa aan indhaha laga qarsan karin cawaaqibxumada ay keeneen warshaduhu ee ay ka midka yihiin wasakhawga hawada iyo isbeddelka cimilada.


Isbeddelladaa ku yimi cimilada baa horseeday in dawladuhu wax iska waydiiyaan dhacdooyinkaa cusub ee ka dhashay horumarrada ay wadeen muddooyinkaas. Taariikhdu markay ahayd 1972 baa Qaramada Midoobey shir la yidhaa "Human Environment” ku qabteen Iswiidhan kuna saabsanaa muhiimadda uu deegaanku u leeyahay yoolasha horumarineed. Shirkan iyo kuwo kale oo la qabtay; The World Commission on Environment and Development 1987, UN Conference of Environment and development 1992 iyo World Summit on Sustainable Development 2002 baa adduunyadu isla garatey in go’aannada dawladuhu qaadanayaan ay ku darsadaan arrimaha deegaanka. Si xeegona xeego u noqoto ilkona u badbaadaan baa horumarka ay wadaana sii wadiddiisa, deegaankana dhibaato uga ilaaliyaan u meel mariyeen Agenda 21 oo qayb ka ah mashruuca Horumar-waara. Gro Harlem Brundland oo ahaa Raysal Wasaaarihii Norway, daabacayna Report’kii la odhan jirey ‘Our Common Future’, waxa uu ‘Sustainable Development’ ku macneeyay horumar la imanaya rabitaanka hadda iyada oo aanu dhinnaansho ku keenayn awooda jiilasha mustaqbalku kula kulmayaan rabitaankooda. Si kooban aan u idhaahdo, Horumar-waara waa in la helo horumar joogto ah oo aan deegaankana dhibaataynayn, jiilasha soo socdana wax u hambaynaya.


Arrinta mudan in la ogaado ayaa ah in dawladaha horumaray ee warshadaha tirada badan lehi ay dhibta ugu badan ay u geystaan deegaanka kolka loo eego waddamada soo koraya. Nin aan waxba cunin siduu u saxaroon?! Hadaba, Somaliland oo waxsoosaarkeeda iyo tirada warshadaha ee ku yaalaa ba ay yar tahay, horumarkeediina sicirbarar iyo musuqmaasuq dibusocod ka dhigeen ma in maanta shirar ku saabsan ‘Sustainable development’ laga ga hadlaa? Oodo dhacameed siday u kala sareeyaan baa loo kala guraa e, ma wax kale oo laga hadlo ayaa la waayay? Dal ba’aw yaa ku lahaa, leh, oo ku lahaan doona? Dhaqaalayahankii Hildebrand ee ka mid ahaa German Historical Economics baa aaminsanaa in aanu jirin xeer dhaqaale oo ka dhex shaqayn kara waddan kasta iyo xilli kasta. Dhaqaalayahan kale oo ka mid ahaa waxgaradkii saamaynta ku lahaa aragtiyaha dhaqaale ee qoladaasi ku tiirsanayd baa isna fikirkii Hildebrand ku sii darsaday in dhaqaalaha sida xeerarka Physics/Fiisigis’ka oo kale xilli kasta iyo meel kasta xeerarkiisa aanaynu u isticmaali karin. Dhaqaalayahannada qaar baa aaminsan in dadka marka dakhligoodu kordho ay si dadban uga qayb qaadan doonaan yoolasha horumar-waara. Koboc dhaqaale aawadii lama gaadhi karo horumar, horumar la’aantiina horumar-waaraa ma jiro waayo wixii la rabay in uu waaro ba ma yaallo meshaba e. Sidaas aawadeed dalalka soo koraya ee ay ku jirto Soomaalilaan waxaa la gudboon in ay xoogga saaraan waxsoosaarka si ay u gaadhaan koboc dhaqaale. Dabadeed sallaanka halkaa ka qabsadaan haday horumar ama horumar-waara ba tahay.

 

Alaabaha badankooda ee waddanka lagu dhex isticmaalaa dhammaan waynu soo dejisanaa taas oo la micne ah in dalka lacagtiisu ay waddamo kale dakhli u tahay, isbeddel kasta oo ku dhaca sarifka lacagaha qalaadna ay sababayso sicirbarar. Waddanka marka laga hadlayo waxsoosaarkiisa waxa weeye alaabta uu dalku ku samaysto xuduuddiisa dhexdeeda wakhti cayiman sida sannad ama afar bil. Hadii aad maqli jirtey qof waliba intuu wax cunuu ciidamiyaa, waddan kastana intuu waxsoosaaro ayuu horumarkiisu ku xidhan yahay. Soomaalilaan maxay soosaartaa ee ay isticmaashaa, dhoofisaana? Waxa koowaad ee kugu soo dhacayaa waa xoolaha oo iyaguna xilliyada xajka uun aad loo iibsado, waxa labaad waa wershadaha yaryar ee sharaabka, biyaha, waraaqaha iqk inta ka soo hadhay waynu soo dejisanaa. Kolkaa tolow ma Carabta ilaahay dhulkeeda shidaalka ka heshay ee loo shaqeeyo dabadeed waxay u baahdaan ba dalbanaya bay Soomaalilaan ismooday! Iyada oo sidaas waxsoosaarku u yaryahay baa maamulxumo na u raacday oo hadana Reer Galbeed iyo Carab garoon ciyaareed ka dhigteen e; dhan mashruucyo aan inna wax horumar ah ku lug lahayn baa ay Reer Galbeed u soo xambaarinayaan, dhan kalena fikirro diimeed oo adduunyada gaalada siinaya iyakana lugaha cadaab u gelinaya baa ay Carab u soo xambaarinayaan. Iyada oo sidaas dhibaatoyinka ay macaamiil joogto ah ugu yihiin baa caawimooyinka ugu badan ee Dawlad iyo NGO’ya ba ay adduunka ka hesho ama ka dalbataa waa waa wax aan dhaafsiisnayn taakulo doorasheed, FGM, Gender balance, faraxalka adduunka iwm oo aan dheeftiisu, haddiiba ay jirto e, dhaafsiisnay muddo kooban.


Dhibta ugu weyn ee deegaanka ay Soomaalilaan ku samaysaa waa jarrida kaynta oo ay dhuxusha ka samaystaan. Hadaba haddii la helo waddo kale oo ka jaban dhuxusha ama dhaqaalaha dadka kor loo qaado isticmaalka dhuxusha ayaa yaraan lahaa sidaas na dhir la jari lahaa ma ay jirteen. Soomaalilaan dhibteeda ugu badani deegaankaaga kuma dhacdo ee dadkeeda ayay ku dhacdaa. Bulshada Soomaalilaan waxa ay hantidooda iyo nafahooda u waayaan bahalnimada ganacsatada, dhakhaatiirta, ururada aan dawliga ahayn NGO, iyo mas’uuliyad-darrada dawladda. Baadhashada ummada loo ma kala hadhin, qolo magac ganacsade wata oo alaabaha qiimahooda ku kordhiya, mid magaca wadaad wata oo gurmad abaareed iyo dhisme masaajid ku baadha, qolo magaca NGO wata oo bulshada duruuftooda inta ay ka qoraan warbixinno ku dawarsi taga iyo qolo magaca dawladda wata oo cashuur ka qaada oo aan midh ku soo celin.

Dawladnimada inta Soomaalilaan madaxdeeda iyo shacabkeedu ka yaqaanaan waa doorashada, waxqabadkana nabad iyo ictiraaf-raadis bay ka garanayaan, bes. Labadaa wax ka duwan haddii la is yidhaa ku qiimeeya Soomaaliya nabad la’aanteeda ayaa ay isbarbar dhigayaan shacab iyo madax ba. Inta sidaas fikirkoodu yahayna isbeddel iyo horumar ka dheer.


Tusaale yar aan ku soo gebagabeeyo mawduucayga. Ka soo qaad in waddamada horumaray ay la mid yihiin qof dhergay, waddamada aan horumarina qof gaajoonaya, Sustainable development iyo Agenda 21’kana Xanjo. Qof dhereg la cifanaya marka xanjo la siiyo dibiradu way ka yaraata oo wuu nefisaa dabadeed hadii la aamino in xanjadu dadka nefisiso oo qofkii gaajoonayayna xanjo la siiyo saw gaajadii uun ku sii siyaadinmayso. Ma wax baa la taray qofkii gaajoonayay mise waa la dhibey?! Maxaa u xal ah, saw maaha in qofka gaajoonayay cunto la siiyo dabadeed haddii uu dhereg ka cawdo xanjada la siiyo. Si la mid ah sidaa oo kale Soomaalilaan iyo waddamada soo koroyaaba maalgashiyo waxsoosaarka waddanka kordhiya oo dadku shaqo ka helaan ayaa ay u baahan yihiin se hadda wakhtigan ay joogaan u ma baahna mashruucyo lacag lagu soo qaatay oo aan waxsoosaarka waddanka waxba ku tarayn.

 

Cabdisamed Baashe Xuseen

Msc Economics, Karadeniz Technical University

Trabzon, Turkey.



[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...