Tayo Daradda Shirkadda Al Najax Oo Wasiirka Hawlaha Guud Madal Kaga Markhaati Furay
Hargaysa(HWN)Wasiirka hawlaha guud dhulka iyo guryeynta somaliland Cabdirashiid Ducaale Qambi ayaa si weyn u dhaliilay shirkadaha dhismaha ee dalka ka hawl gala.
Wasiir Qambi oo ka hadlayey munaasibad ay qabsadeen arday ka baxday kuliyada Injineerinka ee jaamacada Hargeysa ayaa sheegay inaanay tayo lahayn dhismayaasha ay hirgeliyaan shirkadaha dalka ka shaqeeyaa.
Wasiir Qambi oo ugu horayn ka hadlaya shirkadaha dhismaha ee dalka ka shaqeeya ayaa waxa uu yidhi "Shirkadaha dhismaha ee dalka oo gaadhaya 1500 oo shirkadood ama 200 gaadhaya waxaa ka shaqeeyaa sodoneeyo, kuwaas oo laftirkoodu aanay lahayn qorshe rasmi ah, waxaana halkaas fadhiya shirkada Dhismaha ee Al Najax oo ay Wastaado dhex yuururaan in wax badan la qabtana ay u baahan yihiin.”
Wasiir Qambi oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey "Waxaad arkaysaan aqalo la dhisayo oo ay dhici karto in dadku ay caafimaadkooda ku waayi karaan kuwaas oo aan lahayn meel laga neefsado kuwaas oo aan shuqul ku lahayn qaabkii caafimaadka”
Sidoo kale wasiir Qambi ayaa sheegay inaanay shirkadaha dhismaha ee dalku wada shaqayn "Waxa kale oo jira shirkado dhisme oo dalka jooga kuwaas oo 20% ay shaqeeyaan inta kalana ay magacyo yihiin, Marka wax la dhisayo ee shirkad dhisme ay jirto ee ay wayn tahay dalkana inay wax ka qabato la doonayo waxa la doonayaa inay wadato dhamaan farsamayaqaanada kala duwan ee ay u baahan tahay sida farsamayaqaanka naqshada, ka dhismaha, ka dabka iyo kuwo kaleba.”
Dhawaaqa ka soo yeedhay wasiirka hawlaha guud ayaa ku soo beegmaya iyada oo ay dalka ku soo badanayaan shirkadaha dhismuhu.