Biography Of Abdirahman Ahmed Ali Tuur Q.2aad (Abdi-Shotaly).

0
Sunday November 10, 2019 - 08:55:24 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1690
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Biography Of Abdirahman Ahmed Ali Tuur Q.2aad (Abdi-Shotaly).

    Mujaahid Abdirahman Ahmed Ali (Illaah naxariis-tiisa jano

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mujaahid Abdirahman Ahmed Ali (Illaah naxariis-tiisa jano

ha ka waraabiyo'e), isla ayaantii uu halgankii SNM ku wareegay-ba, ee Xafiiskii London gacanta ku qabtay-ba, wuxu si jooto ah ugu laba dib-laystay, siduu caalamku u tusi lahaa arimihii ka socday waqooyi, ee ay kula kacayeen maamulkii kolkaas jirey, ugana joojin lahaa dhaqaalihii uu siin jirey af-weyne, taageerana ugu heli lahaa ururkii SNM iyo in uu ceeb-toodda debedda soo dhigo oo qaawiyo, taas oo ay u suuro-gelisay, isagoo si wacan u yaqaanay, oo ay ku dheehan tahay aqoon iyo xirfadiba iyo waayo'aragnimo aan xad lahayni, oo uu siyaasadda Arimaha debedda u lahaa, kagana midha dhaliyey, kagana guulaystay Mujaahid Abdirahman wixii somaliya, hawl-wadeenadda uga ahaa dunidda meel kaste oo ay tahay-ba, Waxa intaa u sii raacsanayd, wixii ay wadi kari waayeen Gudoomiya-yaashii ka horeeyey, qaar-kood-na ay dalka debedda ugu carari jireen, marka ay higtu yeedho ee rag is haleelo, ayuu isagu wakhti yar ku soo xero geliyey, kuna hir geliyey.


Naxariis iyo nabad gelyo guud-kiisa ha ahaatee " Mujaahid Abdirahman Ahmed Ali" Wuxu noqday Gudoomiyihii 5naad ee ay yeelato jabhaddii xaq u dirirka ahayd ee SNM, waxa ka sii horeeyey:-
(1) Waxa ugu Horeeyey Ina Sheekh Cali Jimcaale (IHUN), oo mudo lix bilood ah hayey xilka gudoomiya-nimadda, oo isagu iskii isu casilay, markii uu dhaqaajin kari waayey, wayao umuu lahayn waayo'aragnimo siyaasadeed waxa loo dhiibay, mana uu qaban karayn oo wuxu iska ahaa wadaad.
(2) Waxa kii labaad ahaa Yussuf Sheekh Cali Madar, oo isna wax yar xilka hayey.
(3) Kii sadexaad-na-na wuxu ahaa Mudane C/qaadir Koosaar, isagaanu ahaa kii jilibka u aasay SNM, ee hubkii ugu horeeyey keenay, ciidankii ugu horeeyey-na qorey, dejiyey qaabka ay u dagaalami doonto jabhadu, furay-na xeryihii tabarka jabhadu yeelatay.
(4)  Kii Afraad-na wuxu ahaa Madax-weyne Siilaanyo, oo laba jeer la iska daba doortay, oo imika xanuunsa-naaya ( Illaah Caafimaad ha siiyo'e).

Sidaas markii ahayd ee wakhtigii ka dhamaaday Kii ka horeeyey ( Waa siilaanyo'e), Waxa bishii april/25/1990ggii lagu caleemo saaray magaaladda Bili-gubadle ( oo ku beegnayd 29 Ramadaan). Gudoomiyahii 5naad ee SNM Mudane Abdirahman Ahmed Ali ( Tuur). Isaga oo ka faa'iidaysa-naaya khibradda aadka u sareysa ee arimaha siyaasadda uu u lahaa, Wuxu yidhi. Wuxu dejiyey sisaasad cilmiyeysan taas oo ah " ilaa koonfur uu dagaal ka dhaco, oo ciidanka af-weyne ay soo gaadhi kari waayaan Waqooyi, ma dhacayso in la qabto Goboladda waqooyi"  Wuxu abuurey Jabhaddii hawiyaha ee uu ka madax ahaa " Janaral Mohamed Faarax Caydiid", isaga oo hub iyo sanad-ba siiyey, si ay iyana uga hawl-gasho koonfur, oo ah Xamar laf-teedda iyo goboladda dhexe ilaa iyo Kismaanyo. oo uu u ledi waayo Maaumlkii markaa jirey, waxana ay u dhacday siddii uu ugu tallo galay, una qoresheeyey Mujaahid Abdirahman Ahmed Ali (Tuur Ihun).

Markii uu gudoomiya-nimada-ba qabtay, wuxu dib u habeeyey Ciidankii SNM tayo ahaan iyo trio ahaan-ba, isaga oo ka dhisanaa dhanka siyaasadda dalka Itoobiya, oo uu ka ahaan jirey Safiir ( Siddii aan qayb 1aad idiinku soo sheegay). Waad la socoteen, cid ay ka qarsoon tahay-na ma jirto, hadaan la is yeel-yeelayn, Maalintii xilka loo doortay-ba waxa wareysatay BBC-dda, waxana uu u sheegay in uu  dalka ku xoreyn doono mudo lix bilood ah guda-haood, sidiina way u dhacday. waana kaga dhabeeyey ( oo illaah waa ku gargaaray), oo isagoo hayey lix bilood oo keliya. buu dalka ay ka durbaan tumayaan qaar aan meela u soo marini ( Waa raggii ma adigaa ka hadhay iyo geenyo shaaximane", uu ku xoreeyey somaliland gebi ahaan-ba, Xuduuddii uu ingiriisku gumaysan jirey, oo uu kaba la'aan kaga eryey faqashtii iyo waxay cago ku jiidato, sidaana uu ku noqday madax-weynihii ugu horeeyey ee ay yeelato Somaliland (Ihun), laga bilaabo shirkii Burco lagu qabtay 18/05/1991kii, ee lagaga dhawaaqay Somaliland, in ay tahay Dawlad ka gaar ah wixii la odhan jirey Somaliya.

La soco qaybta 3aad.
* N.B Geb-geblaw Durug Gobi Waa Tane.
Qore:- Abdi-Shotaly.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...