Qaraxyo Ka Dhacay Muqdisho Oo Lala Eegtay Dhismo Ay Ku Yaalaan Labo Wasaaradood

0
Saturday March 23, 2019 - 12:33:37 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2540
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaraxyo Ka Dhacay Muqdisho Oo Lala Eegtay Dhismo Ay Ku Yaalaan Labo Wasaaradood

    Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in weerar loo adeegsaday qaraxyo lagu qaaday dhismo ay ku yaalaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in weerar loo adeegsaday qaraxyo lagu qaaday dhismo ay ku yaalaan

labo ka mid ah wasaaradaha xukuumadda Soomaaliya.


Wasaaradaha Howlaha Guud iyo Guriyeynta iyo tan Shaqada iyo Shaqaalaha ayaa lasoo sheegaya in laga maqlayo rasaas teel teel ah.



Faahfaahin dheeraad ah wali lagama hayo khasaaraha ka dhashay qaraxyadan balse Xarakada alshabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya ayaa sheegatay in weerarkaasi ay geysteen.


Alshabaab oo sheegatay mas'uuliyada weerarkan ayaa sidoo kale sheegtay in xoogag ka tirsan dagaalyahanadooda ay gudaha u galeen dhismaha ay ku taallo Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guriyeynta walina ay halkaasi ka dagaalamayaan.


Magaalada Muqdisho ururka Alshabaab ayaa weeraro iyo qaraxyo ka gaysta.

Dhanka kale, Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa haatan xiray goobta ay ka dhaceen qaraxyad.


BBC SOMALI

Loading...
Loading...