Saameynta Isdhexgalka Gobolka Ee Somaliland "The Impact Of Regional Integration In Somaliland"

0
Saturday March 23, 2019 - 10:30:41 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 2160
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saameynta Isdhexgalka Gobolka Ee Somaliland "The Impact Of Regional Integration In Somaliland"

    Ka hor inta aynaan gelin mawduucan aynu isweydiinayno su'aasha ah Waa maxay isdhexgalka gobolku?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ka hor inta aynaan gelin mawduucan aynu isweydiinayno su'aasha ah Waa maxay isdhexgalka gobolku?

Waa Qorshe lagu xoojinayo iskaashiga iyada oo loo marayo sharciyada iyo qawaaninta u taalla hay'adaha dowaladaha ee isla gobolka. Isdhexgalka Gobolku wuxuu yeelan karaa hadafyadiisa siyaasadeed,dhaqaale iyo dhaqanba, waxa kale oo uu yeelan karaa hindise ganacsi oo balaadhan dhexmara dowladaha gobolka. Isdhexgalka gobolka ayaa yeelan kara haayad dowladeed oo heerqaran ah ama heersare ah, in haddaba dowladdo ay sameeyaan hanaanka ah isdhexgal gobol waxa ay keenni karta in ay timaado dhelitirnaan la’aan ku timaadda arimaha kor ku xusan ee ay ka mid yihiin siyaasada, dhaqaalaha, iyo ganacsiga waxa jira caqabaddo keeni karra in kalsooni badan lagu qaban sii socodshada isdhexcgal ka yimaadda waddamada gobolka iyadda ay ugu waaweyn yihiin qodobadani:-



·Khilaafka siyaasadeed, busho ee waddamada ayaa ah caqabad.

·Xasilooni la’aanta qaar ka mid ah waddamada sameynaya isdhexgalka.

·Dhibaatooyinka xuduudaha iyo khilaafkooda

·Aqoonsigga dowladaha sameynaya isdhexgalka

·Kaabayaasha dhaqaalaha oo aan ka jirin waddamada qaar sida waddooyinka isku xidhaya waddamada haddii tahay waddooyinka waaweyn iyo kuwa tareenada ee gobolada xeebta iyo waddamada dariska ah.

·Waddagista danaha ayaa ah mid aad u liidata wadamada qaar

·Kala duwanaansha sharciyada ee u yaala gobolada ama waddamada aya ah caqabad.

·Kala duwanaanshaha awoodaha dowladanimada

·Kala duwanaanshaha khayraadka dabeeciga ah ee waddamada


In dhawaalahan waxa aynu la soconaa Isku imanshaha madaxda gobolka oo si xamaasad leh u samaynayaqorshe isdhex-gal dhaqaale, bulsho iyo dhaqanba oo gobolka ah iyada oo looga golleeyahay in lagu xoojiyo xiriirka ganacsiga iyo dhaqaalaha ee ka dhexeeya waddamada gobolka. Qorshaha isdhexgalka dhaqaalaha ee gobolka ayaa ahaa kulamo heer sare ah oo udhaxeeya hoggaamiyeyaasha waxanna hormood u ahaa raysalwasaraha itoobiyaAbby Ahmed. Qorshahaasi oo ah mid aad u balaadhan oo mustaqbalka fog ah waxa kale oo ku jira in itoobiya yeelato awood ay ku qabsato gobolka oo dhan dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaaba marka runta aan la gees marin. Marka la falanqaynayo siyaasada geeska afrika oo aan gabi ahaanba u diyaar ahayn siyaasada ah isdhexgalka gobolka hadddabana waa in la eego maxaa saameyn ah oo ka dhalan karra haddii ay dhacdo. Somaliland marka aanu eego waa mide waxa hafin kara mawjadaha damaca itoobiya sababta oo ah jamuuriyaddan yar ma laha aqoonsi iyo isbahaysiyo kale oo awood leh. Ma la isku filaan dhaqaale, warshado badan iyo waxsoosaar la taaban karo. Haddaba marka la eego dhinaca kale haddii ay sameynayaan waddamo isku dhigma dhinaca awooddaha, Khayraad, dhaqaale iyo dadweynaba waxa la odhan kara wuxuu keeni karraa kordhinta faa'idooyinka ganacsiga, abuurista fursado shaqo, oo sahlaya gudbinta xirfadaha muwaadiniinta gobolka. Tan ugu muhiimsan waxay kor u qaadi doontaa amniga iyo iskaashiga siyaasadeed ee ka dhexeeya wadamadda. Ugu dambeyn Somaliland waxa laga sugayaa siyaasad cad oo ku wajahan arintan ah isdhexgalka gobolka geeska Afrika

Wa bilahi tawfiiq……….

W/Q: Saleban Mohamed Ismail ( Baxraawi)

Telephone: 063-4509376 ama 063-424-328-3

Email. [email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...