Helloow Madaxaweyne Waxa Kula Hadlaysa Madbacaddii Qaranka!!! W/Q Mawliid Cali Guutaale

0
Saturday March 23, 2019 - 10:03:50 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1066
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Helloow Madaxaweyne Waxa Kula Hadlaysa Madbacaddii Qaranka!!! W/Q Mawliid Cali Guutaale

    Madbacadda Qaranka: Helloow Madaxweyne, waxa kula hadlaysa madbacaddii qaranka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madbacadda Qaranka: Helloow Madaxweyne, waxa kula hadlaysa madbacaddii qaranka Madaxweynaha: Waan ku gartay, codkaaga oohin baa la socota maxaa kugu dhacay?


Madbacadda Qaranka: waxa aan hiil ka waayey dawladdii aan ka midka ahaa



Madaxweynaha: Maxaad uga jeedaaa hadalkaaga kumaan fahmin


Madbacadda Qaranka: madaxweyne ujeeddadii la ii aasaasay ayaa meesha laga saaray kama xumi in la ila shaqayn waayo laakiin waxa aan ka xumahay la shaqayn la’aantaydu dhibaatada ay dalka dhaxalsiinayso


Madaxweynaha:wali kuma aan fahmin?


Madbacadda Qaranka: madaxweyne dhib male in aynu is fahmi waynaa oo wasiiradaaduba waxay igu yidhaahdaan kumaanu fahmin.


Madaxweynaha:wasiiradu haday sidaa ku dheheen anigu kuma odhanayo oo odaygii qaranka ayaan ahay waxa waajib igu ah in aan ku fahmo waayo dantaydu waa danta qaranka ee hadal oo maxaan kula qabtaa.?


Madbacadda Qaranka: Maasha Allah, madaxweyne waan ku waday in aad hogaamiye hal adag iyo hadal aqoonba tahay, madaxweyne waxaad ila qabataa shan shay oo qudhaata, ana waxa aan qaranka la qabanayaa wax badan oo dan u ah dawladnimadii aad u soo dagaalantay


Madaxweynaha:kkk waa sax ana waa igu ballan in waxaa kaa oohiyey aan kaa joojiyo.


Madbacadda Qaranka: madaxweyne shaqadiiqaranku ii dirtay boqolkiiba sideetan gacanta iiguma jirto oo wasiiradii hortaada lagu dhaariyey ayaa shuraako kula ah dad shicib ah oo dalka dibadiisa ku soo daabaca. Tusaale ahaan madaxweyne :- buugga lahaanshaha gaadhiga, liisanka darawalnimada, taarikada ama sumada gaadiidka, istiikarka wado marista, manhajka waxbarashada dugsiyada dhexe iyo sare ee dawladda, fiisayaasha iyo baasaaboorada, shahaadooyinka dugsiyada dawladda iyo jaamacaddaha dawlada, kaadhka aqoonsiga muwaadiniinta, shahaadada dhalashada iyo dhimashada iyo qaar kale oo badaniba waxay ku jiraan gacanta dad shicib ah oo suuqa jooga waxaana la ogol oo ku ilaaliya wasiiradii dawladda. Madaxweyne nimankan khamiis kasta aad shirisaa qaar badan oo ka mid ah waxay dagaal kula jiraan madbacadda qaranka oo shaqadeedii ayay ka horjoogaan.


Madaxweynaha:Ma wasiirada oo dhan ayaa dagaalka idinkula jira misa waa qayb ka mid ah


Madbacadda Qaranka: madaxweyne cadhadaa I madax martay ee dagaalka looma dhama waxa jira wasiiro madbacadda la shaqeeya sida wasiirka cadaalada, wasiirka dastuurka, wasiirka caafimaadka iyo gudoomiyaha baanka dhexe oo nagu soo wareejiyey jeegagii baanka dawladda oo aanu imika madbacadda qaranka ku dhex daabacno.


Madaxweynaha:wasiirada aan idinla shaqayni waa kuwee?


Madbacadda Qaranka: madaxweyne waxa ugu daran wasiirka maaliyada oo aaminsan in madbacadda lala tartamo iyo wasiirka gaadiidka oo shaqadii madbacadda qaranka si badheedh ah u haysta, sidoo kale wasiir maxamed kaahin wasaaradiisa lagu dhex daabacaakaadhadhka aqoonsiga muwaadiniinta waxa kale oo noogu daran wasaarada waxbarashada oo manaahijtii shirkad siisay waa nasiib daro in inaga oo soo iibsan karna mashiino aynu dal shisheeye lacagteenii ku masruufno.


Madaxweynaha:waan gartay wasiir sacad waxa aan maaliyada u geeyey in uu joojiyo shakhsiyaadka cashuurta dadka ka baayac mushtara ee ku naaxay kamaan filayn in uu idin yidhaahdo suuqa la tartama, kan gaadiidkana anaa arki doona wasiirada kalena waa igu balan in aan shaqadiina idiinka soo celiyo si milgihii iyo sharaftii dawladda u soo noolaato.


Madbacadda Qaranka: madaxweyne dhicisku inta birta loo soo situu ka dhintaa ee noo soo dhakhso.


Madaxweynaha:waa ballan waa ballan waa ballan waa waxa aan u dhaartay in aan xoojiyo hay’addaha dawladda mid kastaana shaqadeeda lagu ixtiraamo si dalku inoogu dhismo.


Madbacadda Qaranka: Maasha allah waan kugo ogaa hal adayga iyo go’aan qaadashada. Madaxweyne waxa hirdamaya dantii shakhsiga ahayd iyo tii qaranka garsooruhuna waa adiga.


Madaxweynaha:kkk waa ballan waa ballan waa ballan.


Qalinkii: Mawliid Cali Guutaale

Hargeysa, Somaliland

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...