Sifooyinka Siyaasiga iyo Saameynta Siyaadda Wasiir Ahmed M. Seed? Qalinkii: Abdirashiid Yoonis Hagar. Qormaddii 3aad.

0
Saturday March 23, 2019 - 09:54:38 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1013
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sifooyinka Siyaasiga iyo Saameynta Siyaadda Wasiir Ahmed M. Seed? Qalinkii: Abdirashiid Yoonis Hagar. Qormaddii 3aad.

    Salamullahi Calaykum dhamaan Shacabweynaha reer Somaliland meel kasta oo aad kala joogtaan waxaan go'aansadey in aan idiin iftiimiyo siyaasada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Salamullahi Calaykum dhamaan Shacabweynaha reer Somaliland meel kasta oo aad kala joogtaan waxaan go'aansadey in aan idiin iftiimiyo siyaasada

Wasiir Ahmed Moumin Seed iyo doorka uu ku leeyahay gobolka Awdal ee uu ka soo jeedo Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Mudane Ahmed Moumin Seed.


Ahmed Moumin Seed wuxuu xil ka qaadis ku sameeyey xilal dhowr ah oo uu ka mid ah Isuduwihii Wasaaradda Beeraha ee Gobolka Awdal oo uu ku badaley gabadh ay isku hayb yihiin ka dib markuu ogaadey in uu mar dambe soo noqon doonin oo ay la tagi doonto seefta Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo la filiyo in uu isku shaandheyn balaadhan ku samayn doono dhamaan hayadda dawladda ee 1 sano jirsatey.



Wasiir Seed wuxuu aar goosi iyo hiil cad uga tuurey xilka Isuduwihii hore ee Wasaaradda Beeraha oo ay isku hayb ahaayeen Musharaxii Madaxweyne K/X ee Xisbiga Waddani kaas oo wakhtigaas kaga adkaadey golaha dhexe oo wakhtigaas soo dooraneyey Musharaxiinta Madaxweyne iyo Madaxweyne K/Xigeen. Isla wakhtigaas oo uu Wasiir Seed ka baxay xisbigii uu mudada dheer ku soo jirey ee Waddani isaga iyo garab kale oo isaga la aragti ahaa ka dib ay heshiis hoose la galeen Xisbul Xaakimka Kulmiye sidaasna uu xubin buuxda uga noqdey xisbiga Kulmiye, ma la is odhan karaa mudane Wasiir Seed aar goosi ayuu uga qaadey xilkii isuduwihii wasaaradda beeraha ee gobolka Awdal oo ay hayb dhow ahaayeen musharaxaas Waddani ee ay is hayeen mudane Seed.


Mudane Wasiir Seed ma aha shakhsi mug iyo miisaan culus ku leh goboladda Galbeedka iyo sidoo kale Beesha uu ka soo jeedo isaga oo aan xidhiidh dhow la lahayn beeshiisa oo dhamaan ay ka biyo diidan yihiin siyaasad xumida Seed taas oo ku dhisan eex iyo qaraabo hoose oo uu ku soo koobey dhamaan kuraastii ka dhaxeysey Beeshiisa.


Wakhtigii dhaweyd ee Xisbiga Kulmiye shirka ku qabsaneyey Magaaladda Borama waxaa Wasiir walba uu xisbigu siinyey tiro ergooyin ah kuwaas oo lagu martiqaadey shirka golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye balse Mudane Seed wuxuu keeney kaliya 2 card oo uu ka soo qaadey Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee xisbiga Kulmiye Ahmed Abdi Dheere. Wasiir Seed wuxuu been cad iyo khiyaano ku sameeyey dhamaan beeshiisii oo isaga ka dhur sigeysey in uu yahay shakhsiga maanta ku matala Dowlada Biixi balse aanu noqon sidii loo haystey iyo si u dhow.


Wasiirku wuxuu wakhtigiisa inta u badan galiyaa in uu helo xogo ku saabtey shakhsiyadiisa si uu kursiga u sii joogana wuxuu iska laaluusha dhamaan cida uu u arkayo in ay dhib ku tahay joogitaankiisa Wasiirnimo.


Gabogabadii iyo gunaanadkii waxaan madaxweynaha ka codsanaynaa in uu hoos u eego falalka iyo balan qaadyadda beenta ah ee uu Wasiir Seed markasta saxaafadda ka sheego isaga oo aan fulinteeda haynin, mudane madaxweyne qaranka iyo dhacabweynaha jamhuuriayadda Somaliland rag iyo haweenba way ka daleen beenta iyo buunbuuninta Wasiir Seed ee fadlan shaqada uu hayo dib u eegis ku samee waxaad arki doontaa mudo gaaban gudaheed in uuna u qalmin jagada Wasiirnimo ee uu ku tagri falo markasta isaga oo danihiisa gaarka ah ku fushada dayaceyna inta u badan beeshiisa Habar Cafaan xilkiina ku soo koobey jufada hoose ee uu ka soo jeedo taas waxaa loo arki karaa cunsirayad qayaxan oo uu ku talo galey Wasiir Seed balse uu dheefteeda arki doono dhawaan.


Qalinkii: Abdirashiid Yoonis Hagar

[email protected]

Qormaddii 3aad

La soco qeybaha kale

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...