Eritrea Waddan Dhibta Adduunka Soo Dhamaystay Iyo Waxa Laga Filan Karo

0
Friday March 22, 2019 - 17:59:55 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1247
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Eritrea Waddan Dhibta Adduunka Soo Dhamaystay Iyo Waxa Laga Filan Karo

    Eritrea waa waddan ku yaalla Afrikada bari gaar ahaanna gobolka geeska Afrika, bari waxa ka xiga badda cas,koonfur waxa xad la leh Jabuutti,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Eritrea waa waddan ku yaalla Afrikada bari gaar ahaanna gobolka geeska Afrika, bari waxa ka xiga badda cas,koonfur waxa xad la leh Jabuutti,

Woqooyi Sudan, galbeed waxa ka xiga Ethiopia Bedka dhulka oo ay ku jiraan dhowr gasiiradood waa 117,600 sq km, caasimaddu waa Asmara,qoomiyadaha deggan Tigrinya 55%,Tigree 30% 7da qowmiyadood oo kale waxay ka yihiin 12% inta soo hadhay oo ah 3%waa Talyaani iyo Ingiriis iyo dad kale.



Taariikhda

Waxay ku hoos jirtay Boqortooyadii la Odhan Jiray Axum oo Caan ka ahayd dhulweynaha Ethiopia,xilligii gumaysiga waxa haystay Talyaanigii dabayaaqadii qarnigii 19aad waxay gacanta u gashay Ethiopia.waxay soo martay Gumaysiyo kala duwan iyo xaalad aad iyo aad u qadhaadh mudadaas dheer.ka dib sannado badan oo jabhadayn iyo dagaal ah aakhirkii waxay ku guulaysatay inay ka hoos baxdo Ethiopia 1991.


Xagga Siyaasad dhuleedka (geo-politics)

Waxa lagu tiriyaa inay tahay waddan gardarro badan(Aggressive) waxayna isku dhaceen 1998 Ethiopia waxana uu dagaal qadhaadh ku dhex maray aagga Badme iyoSalaambessa dagaalkaas oo galaaftay tiro dad ah oo lagu qiyaasay 100,000 ka dib markuu dagaalkaasi qaboobay, waxay u soo jeedsatay xagga iyo jabuutti waxayna ka qabsatay gasiiradda loo yaqaan Ras Dumeera waxayna ka qafaalattay askar tiradoodu tahay 13 askari walina ay maxbuus ahaan u haysoo. Waxa kaloo jirtay inay dagaallo dhex mareen Sudan 1994kii iyo Yemen 1996kii sidaas ayaa loogu aqoonsaday waddan gardarro badan.waxayna go doon ka noqotay aduunka oo dhan ka dib markii golaha amaanku cunoqabatayn hubka iyo socdaalkaba ah ku soo rogay 2009kii.


Ka dib Eritrea waxay noqotay waddan la daalaadhacaysa,xidh xidhnaanta uu aduunka kaga jiro waxanu ku dhawaaday inuu shaqayn kari waayo dalku dhaqaale ahaan,waxa keliya ee ay ku tiirsanaayeen waxay ahayd dadkii qurbaha uga cararay kolka horeba oo dhaqaale u soo dira,waxay ku dhegaanatay uun inay Ethiopia ku jeediso waxay awood Ciidan haysay sanadihii u danbeeyay.


Isbeddelka geeska Afrika

Isbeddelka cusub ee geeska afrika ee uu horkacayo ninka isbeddeldoonka ah (Reformist) abby ahmed ayaa sababay in Golaha amaanku Cunaqabatyntii ka qaadan Eritrea ka dib markii abby ahmed Raisal wasaraha Ethiopia ololaha cusub ee uu wado uu gaadhay Golaha amaanka, waxayna timid markii heshiis nabaded dhexmaray Eritrea iyo Ethiopia taas oo dabada ka riixday in UN ay Cunaqabatynta ka qaadday Eritrea, socodkii ugu horreeyay waxay Eritrea ku soo gaadhay Ethiopia oo madaxweynuhu Isaias afawerqi socdaal ku yimid iyo wasiirka arrimaha dibadda oo wiiggan Somaliland socdaal saddex maalmood qaattay ku yimid.


Qaabdhismedka Dowladnimo


Xagga qaab dhismeedka dowladnimo waa hab madaxtooyo madaxweyne iyo ku xigeen,madaxweynaha oo ka soo jeeda qoomiyadda Tigrinya ayaa awoodda leh sida madaxweynaha qaranka,Taliyaha Ciidamada iyo hoggaamiyaha xisbiga talada haya,xisbi keliya ayaa jira waxana lagu tiriyaa inay tahay (Authoritarian) dowlad amar ku taaglayn ah,dastuur ayaa jira waxa ka soo shaqeeyay guddoomiyayaasha gobollada waxana ansixiyay Golaha qaranka 1997 kii.


Waxa la filayaa inuu hadda waddankani wax wayn ka beddeli karo amuuraha geeska Afrika,waxa loo tirinyaaa inay yihiin niman aan laabashada aqoon oo go aanka ay doonaan ha samaado ama ha qadhaadhaado e ku dhaqaaqi kara,waxa laga filan karaa inay dhex-dhexaadin ka galaan arrinta Somaliland iyo Somalia oo muddo dheer jiitamayay.


Rashiid Odowaa

[email protected]

063-4101213


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...