Akhriso Magacyada Laba Wakiil Oo Xukuumada Somaliland Fariin U Dhiibtay Oo Ku Sugan Madaxtooyada Jubbaland Iyo Ujeedada Ka Dambaysa

0
Sunday October 20, 2019 - 16:56:33 in News by
  • Visits: 7297
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Akhriso Magacyada Laba Wakiil Oo Xukuumada Somaliland Fariin U Dhiibtay Oo Ku Sugan Madaxtooyada Jubbaland Iyo Ujeedada Ka Dambaysa

    Akhriso Magacyada Laba Wakiil Oo Xukuumada Somaliland Fariin U Dhiibtay Oo Ku Sugan Madaxtooyada Jubbaland Iyo Ujeedada Ka Dambaysa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Akhriso Magacyada Laba Wakiil Oo Xukuumada Somaliland Fariin U Dhiibtay Oo Ku Sugan Madaxtooyada Jubbaland Iyo Ujeedada Ka Dambaysa



Hargeysa(HWN):-Wakiilo ka socda xukuumada somaliland oo dhambaal hambalyo ah u sida madaxweynaha maamulka Jubbaland ayaa gaadhay magaalada Kismaayo ee xarunta maamulkaasi.

Image result for somaliland oo wefti u diraysa jubaland


Agaasimihii hore ee wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada somaliland Maxamed Cilmi Aadan oo haatan ku sugan xarunta maamulka Jubbaland ee Kismaayo isla markaana ka qayb galay xafladii caleemo saarka madaxweyne Axmed Madoobe ayaa Hadhwanaagnews u sheegay in magaalada Kismaayo ay ku sugan yihiin laba wakiil oo ka socda xukuumada somaliland kuwaas oo dhambaal hambalyo ah u sida madaxweynaha maamulkaasi.


Maxamed Cilmi Aadan waxa uu Hadhwanaagnews khadka telefanka ugu sheegay in labadan wakiil oo ah dhalinyaro ka socota madaxtooyada somaliland ay si dhuumasho ah ku soo galeen magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland, isaga oo tilmaamay inaanay wax xil ah hayn balse safarkooda uu dib u dhac ku keenay xayiraadii diyaaradaha ee la saaray maamulka Jubbaland isla markaana ay mudo ku sugnaayeen magaalada Mombasa.


Ex agaasime Maxamed Cilmi Aadan waxa uu sheegay in labadan wakiil ee ka socda somaliland ay magaalada Hargeysa ka soo duuleen 10-kii bishan October isla markaana ay mudo ku sugnaayeen Mombasa ka dibna 17-kii bishan October uga gudbeen magaalada Kismaayo.





Agaasime Maxamed Cilmi Aadan waxa uu sheegay in labadan wakiil oo isqarinayaa ay hada ku sugan yihiin madaxtooyada maamulka Jubbaland ee magaalada Kismaayo isla markaana magacyadoodu kala yihiin Cadnaan Isaaq Cali iyo Maxamed Aamiin, waxaanu cadeeyey inay sidaan fariin hambalyo ah oo ay xukuumada somaliland gaadhsiinayso madaxweynaha maamulka Jubbaland.


Hadhwanaagnews.com/Office
Hargeysa/Somaliland
Loading...
Loading...