Macalinkii Xishoodka Badnaa Ee Madaxweynaha Noqday

0
Saturday October 19, 2019 - 18:33:08 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 2575
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Macalinkii Xishoodka Badnaa Ee Madaxweynaha Noqday

    Macalinkii hore ee jaamacadda ayaa u muuqday inay ku adagatahay inuu soo jiidto qalbiyada da'yarta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Macalinkii hore ee jaamacadda ayaa u muuqday inay ku adagatahay inuu soo jiidto qalbiyada da'yarta

reer Tunisiya ee shaqa doonka ah.

Haseyeeshee 61 jirkaan Qays Saciid ayaa lagu naanaysay "mashiin'' kadib markii laga yaabay habka uu wax u maamulo. Haatan waa madaxweynaha cusub ee dalkaasi Tunisiya waxaana doortay dhalinyaro da'doodu u dhaxeyso 18 ilaa iyo 25 sano jir.

"Waxaanu u hamuun qabnaa hab cusub oo waxaanu doonaynaa nidaam ka badalan kii hore," Sidaasi waxaa BBC-da u sheegay Youssef Bejaoui oo ah arday dhigta kuliyadda ingineernimada.

Inta badan wey dhacdaa in siyaasiyiin tiro ah ay ku guuleystaan codad badan hase yeeshee Mr Zelensky iyo Donald Trump ayaa waxaa caawiyay caanimadii ay ka heleen muuqaaladii telefishanada.

 

Jawaabaha uu ka bixiyay shaqa la'aanta dalka Jirta

Maadaamaa usan ahayn mid kulamada ololaha doorashada ku saabsan qabta, balse wuxuu safar ku tagay 100 magaalo oo dalka Tunisia ku yaalla isaga oo cod bixiyeyaasha fool ka fool ula kulmayey.

Mr Saciid xoogag shisheeya ama gacan dibadeed taageero kama haysan, isaga oo sheegay xitaa inuu baasboor uu dalka kaga baxa haysan.

Marka uu dadka la kulmo gaar ahaan da'yarta ayaa waxay wey diinayeen sida uu wax uga qabanayo shaqala'aanta baahsan ee haysata dhalinyarada.

Waxa uuna ugu jawaabi jiray hab cilmiyeeysan oo ay ku wada qancaan oo ma ahayn nin isla weyn.

 

Fasallada uu dhigayay Qeys Saciid ayaa waxaa buux-dhaafiyay ardayda kuwaas oo xitaa qaarkood ka imanayay jaamacadaha kale.

Mr Saciid waxaa u diyaar ah qorshe ballaaran uu hay'adaha kala duwan isbeddel uu ugu sameyn karo, isaga oo sheegay inuu awoodda daka uu hoos u dhaadhicyo isla-markaana uu doonayo isbeddel ballaadhan inuu ku sameeyo dalka Tunisia.

Waa kuma Qeys Saciid?

Madaxweynaha cusub ee Tunisia Qeys Saciid waa barafasoor sharciga bartay oo 61 jir ah, waana madaxweynihi ugu horreyey oo xilka madaxweynanimada ku guuleysta tani iyo markii uu geeriyooday madaxweynihi hore ee dalkaasi Beyji Caa'id Eseybsi 25-kii bishi July.

Mr Qeys oo ah madaxweyne madax bannaan oo aan ku tiirsaneen xisbi siyaasadeed wuxuu doorashada ka helay 72.71, cod bixinta doorashada wareeggeeda labaad ee la qabtay 13-ki bisha Oktobar.

Wuxuuna si la yaab leh uu uga guuleystay musharrixii la tartamayay Nabiil Qarwiy oo ah hoggaamiyaha xisbiga weyn ee baarlamaanka Tunisia ku leh tirada kuraasta xildhibaannada ugu badan.

Taariiqdu markay ahayd 22-kii bishi Fabraayo 1958-kii ayuu Mr Saciid ku dhashay magaalada Bani-khiyaar oo ka tirsan gobolka Nabuul. Wuxuuna Mr Saciid leeyahay seddex carruur ah.

Shahaadada Degree koobaad wuxuu ku haystaa sharciga caalamiga ah wuxuuna ka soo baxay kulliyadda sharciga iyo siyaasadda ee jaamacadda Tunis.

Shahaadada Diploma wuxuu sida oo kale uu ka haystaa sharciga dastuurka, isaga jaamacadda Tunis ka ahaa barafasoor dhiga culuunta sharciga.

Wuxuuna noqday xoghayaha guud ee ururka sharciyada dastuurka ee Tunisa inti u dhaxeysay 1990 ilaa 1995-kii, waxyar kaddibna wuxuu noqday madaxweyne-ku xigeenka ururka.

1990-yadi Mr Saciid wuxuu noqday agaasimaha waaxda cilmiga sharciyada ee jaamacadda Tunisia, isaga oo ka mid noqday khubaro jaamacadda carabta uga shaqeysa machadka xuquuqda aadanaha ee jaamacadda carabta.

Mr Siciid ayaa ka mid ahaa guddiga khubarrada arrimaha sharciga ka caawinayey baarlamaanka Tunisia wax ka beddelka dastuurka, sanadkii 2014. Wuxuu mararka qaar ka soo muuqan jiray telefishinnada isagoo siyaasadda ka hadli jiray.

Marki ugu horreysayna wuxuu TV uu ka kala hadlay shacabka dalkaasi isaga oo ku hadlayey hadal caadi ah oo la xiriira dastuurka dalkaasi, wixi markaa ka dambeeyeyna ma ahayn mid siyaasadda ka soo muuqda.

 

BBC


Loading...
Loading...