Ujeedada Kulan Washington Ku Dhexmaray Wasiirka Maaliyada Norway Iyo Raysal Wasaaraha Somaliya

0
Saturday October 19, 2019 - 11:13:22 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1681
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ujeedada Kulan Washington Ku Dhexmaray Wasiirka Maaliyada Norway Iyo Raysal Wasaaraha Somaliya

    Washington, Sabti, October 19, 2019---Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS),

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Washington, Sabti, October 19, 2019---Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS),

mudane Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Washington kula kulmay wasiirka maaliyadda Norway, Siv Jensen oo ay ka wada hadleen xoojinta xariirka labada dowladood iyo qorshaha Soomaaliya deynta looga cafinayo.

 

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa wasiirka maaliyadda Norway la wadaagay abaalka dadka iyo dowladda Soomaaliyeed ay dowladda Norway uga hayaan taageerada joogtada ah iyo $359-ka milyan ee deynta ah ee loo qorsheeyay in lagu nadiifiyo deynta Bangiga adduunku uu ku leeyahay Soomaaliya.

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulanka ka sheegay in tillaabada dowladda Norway ku caawisay Soomaaliya ay tahay tilaabadii ugu horreysay ee loo qaaday nadiifinta dowladda iyo barta go’aanta ee Feberaayo 2020.

 

Kulanka Ra’iisul Wasaare Khayre uu la qaatay Siv Jensen ayaa qayb ka ahaa shirar doceeyo uu Washington kula yeelanayay wasiirro maaliyadeed iyo mas’uuliyiin kale.

 

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu ka qayb galay kulanka miiska wareegsan oo looga hadlay deyn cafinta dalka, waxa uuna kulamo kala duwan la qaatay wasiirrada maaliyadda Netherlands iyo Talyaaniga iyo madaxweynaha Bangiga adduunka.

 

---DHAMMAAD----

 

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka

Muqdisho, Soomaaliya

www.opm.gov.so


Loading...
Loading...