Xildhibaan Ka Tirsan Wakiilada Oo Ka Hadlay Qorshaha Golahooda Ee Xubnaha Komishanka Ee Doodu Ka Taagantahay

0
Saturday October 19, 2019 - 11:09:02 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2610
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Ka Tirsan Wakiilada Oo Ka Hadlay Qorshaha Golahooda Ee Xubnaha Komishanka Ee Doodu Ka Taagantahay

    Hargeya (HWN)-Xildhibaan Siciid Cartan Cismaan, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeya (HWN)-Xildhibaan Siciid Cartan Cismaan, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada,

ayaa ka hadlay dooda ka taagan xubnaha uu Madaxweynuhu u soo xulay Komishanka, ee Xisbiyada Mucaaradku diidan yihiin, waxaanu xusay in hadda aanay taagnay meel laga noqdo, balse ay ku xidhan tahay sida uu Golahoodu ka yeelo.



Xildhibaan Siciid Cartan Cismaan,oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn yidhi "Xisbiyada Mucaaradka ee UCID iyo Waddani, laba xubnood ayey soo xuleen, oo Xisbi kastaaba hal xubin ayuu soo xulay, Guurtiduna laba xubnood ayey soo xuleen,Madaxweynaha ayaana loo wada gudbiyey, Madaxweynuhuna xubnihiisi ayuu soo xulay, Golaha Barlamaanka ayaa loo gudbiyey,markaas komishanka la soo xulay sharci iyo sharci daraba Golahayagu wuxuu ka yeelayo ayaa la arki doonaa, ama waanu diidi ama waanu ogolaan, oo cod baa lagu kala baxaya, meel laga noqdana ma jirto, Golahaygu cida aanu diidno waa la soo bedeli  doonaa, cida aanu ansixina waa la aqbali doona, ee hadda Madaxweyne iyo Xisbiyo hawshu uma taaloā€¯.

 

Loading...
Loading...