Shaqaalaha Boeing Oo La Sheegay In Ay Sii Ogaayeen Cilladda Haysata Nooca 737 Max
Dukumeentiyo qoraal ah oo shirkaddani Boeing ay ku wareejisay garyaqaannadeeda ayaa muujinayay in mid ka mid ah duuliyeyaasha diyaaraddaasi uu sheegay in dhibaato aan horey loo sii shaacin uu la kulmay xilli uu tijaabinayay diyaaraddaasi.
Waxa uu sheegay in "isaga oo aan is ogayn" uu been ugu sheegay hay'adda ilaalisa badqabka diyaaradaha ee Mareykanka.
Cillad dhanka hannaanka badqabka ee diyaaraddaasi ayaa lala xiriirinayaa laba shil oo ay ku dhinteen 348 qof.
Diyaarad laga leeyahay dalka Itoobiya
oo nooceedu ahaa 737 Max ayaa bishii Maarso ee sanadkan burburtay daqiiqado uun
ka dib ay ka duushay garoon ku yaal magaalada Addis Ababa, waxaana shilkaasi ku
dhintay 157 qof.
Diyaarad kale oo isla noocaasi ah oo laga leeyahay dalka Induniisiya ayaa iyana bishii Oktoobar ee sanadkii 2018 ku dhacday badda wax yar uun ka dib markii ay ka duushay garoon ku yaal Jakarta. Shilkaasi ayaa waxaa ku dhintay 189 qof oo saarnaa diyaaraddaasi.
Maamulka Duulimaadyada ee dalka Mareykanka ayaa macluumaadkani ku saabsan in cillad lagu arkay nooca diyaaraddaani xilligii ay tijaabo ku jirtay ku tilmaamay mid walaaceeda leh, waxa uuna sheegay in uu sharraxaad deg deg ah ka dalban doono shirkaddaasi.
Dukumeentigan ayaa soo shaac baxay xilli bishan gudaheeda uu billaaban doono dhageysiga dacwad ka dhan ah shirkaddan.
Madaxa shirkaddan Boeing, Dennis Muilenburg, ayaa sidoo kale lagu wadaa in uu caddeeyo waxa uu ka ogyahay cilladda lagu arkay nooca diyaaradda ay shirkaddaasi sameyso ee 737 Max.
Shirkadda Boeing ayaa sheegtay in ay gacan ka geysanayso baaritaannada lagu wado 737 Max, taa oo tan iyo bishii Maarso ee sanadkan la hakiyay isticmaalkeeda
Diyaarad kale oo isla noocaasi ah oo laga leeyahay dalka Induniisiya ayaa iyana bishii Oktoobar ee sanadkii 2018 ku dhacday badda wax yar uun ka dib markii ay ka duushay garoon ku yaal Jakarta. Shilkaasi ayaa waxaa ku dhintay 189 qof oo saarnaa diyaaraddaasi.
Maamulka Duulimaadyada ee dalka Mareykanka ayaa macluumaadkani ku saabsan in cillad lagu arkay nooca diyaaraddaani xilligii ay tijaabo ku jirtay ku tilmaamay mid walaaceeda leh, waxa uuna sheegay in uu sharraxaad deg deg ah ka dalban doono shirkaddaasi.
Dukumeentigan ayaa soo shaac baxay xilli bishan gudaheeda uu billaaban doono dhageysiga dacwad ka dhan ah shirkaddan.
Madaxa
shirkaddan Boeing, Dennis Muilenburg, ayaa sidoo kale lagu wadaa in uu caddeeyo
waxa uu ka ogyahay cilladda lagu arkay nooca diyaaradda ay shirkaddaasi sameyso
ee 737 Max.
Shirkadda Boeing ayaa sheegtay in ay gacan ka geysanayso baaritaannada lagu wado 737 Max, taa oo tan iyo bishii Maarso ee sanadkan la hakiyay isticmaalkeeda
Marki uu warkaasi soo if-baxay wixi ka dambeeyey wakaaladda ammaanka u qabilsan diyaaradaha dalka Mareykanka ayaa amar ku bixisay in diyaaradaha nooca Boing 737-ng baaritaanno deg deg ah lagu sameeyo.
Wakaaladdan ayaa sheegtay in "diyaarado in muddo ah shaqeynayey marki la damcay in dib u habeyn lagu sameeyo lagu arkay dildillaac ku yimid jambiga kore ee diyaaradaha".
Diyaarado dhawr ah oo baaritaanno kaa la mid ah lagu sameeyey waxaa iyaguna lagu arkay calaamadaha dillaaca oo la mid ah kuwilagu arkay diyaaradahi hore oo baaritaanka lagu sameeyey.
Balse waxay khubaradu sheegeen inaan diyaaradahan laga helin cilladdi sababta u noqotay iney laba diyaaradood oo uu noocoodu yahay Boing 737 iney burburaan.
Laba diyaaradood uu noocoodu yahay Boing 737 Max marki ay laba shil oo isku dhaw ay ku burbureen kaddib waxaa gabi ahaanba hawada laga saaray diyaaradaha noocoodu yahay Boing 737 Max.
Shilalkaasi ka dib waxaa dunida oo dhan la hakiyay isticmaalka diyaaradda nooca Boeing 737 Max.
Diyaaradda 737 Max ayaa loogu talagay duulimaadyada dhaw-dhaw ee dunida dacalladeeda.
Dadka wax falanqeeya ayaa sheegaya in saameynta markii hore ay keentay halkinta diyaaradda 737 Max ay u muuqatay mid cayiman, balse waxaa suurtagal ah in saameynta ay sii badato haddii aanan muddo dheer loo ogolaanin in ay duulimaad sameeyso.
Hakintaa awgeed ayaa shirkadda Boeing waxa si ku meel gaar ah hoos ugu dhigtay soo saaridda diyaaradaha nooca 737 oo suuq weyn dunida ku lahaa, ka dib marki ay dhaceen shilalki diyaaradeed ee Itoobiya iyo Induniisiya.
"Shirkadda Boeing oo bishiba soo saari jirtay 52 diyaaradood laga billaabo bartamaha bisha April tirada diyaaradaha ay bishi soo saarto iney ka dhigeysaa 42 diyaaradood" sida ay sheegeyso warbixin qoraal ah oo shirkadda ka soo baxay.
BBC