"Way Adag Tahay Inaad Suxufi Ka Ahaato Somaliland"…Wakiilka Xafiiska Dawlada UK Ee Somaliladn Staurt Brown
Hargeysa(HWN):-Madaxa xafiiska dawlada UK ee somaliland Staurt Brown ayaa ka dayriyey xaalada ay somaliland gudaheeda kaga hawl galaan suxufiyiinta ka shaqeeya hay’addaha warbaahintu.
Wakiilka UK ee xafiiska somaliland Staurt Brown oo fariin ku baahiyey bartiisa Twitter-ka ayaa si weyn uga horyimid xadhiga faraha badan ee ay xukuumada somaliland kula kacayso suxufiyiinta iyo hay’addaha warbaahinta.
Dhinaca kale Staurt Brown waxa uu ka waramay caqabadaha ka imanaya hay’addaha warbaahinta iyo awooda tafatirnimo ee ay leeyihiin.
Madaxa xafiiska dawlada Uk ee somaliland Staurt Brown oo ka hadlaya xaalada saxaafada somaliland ayaa waxa uu qoraalkiisa ku yidhi "In aad suxufi halkan (Somaliland) ka ahaataa waa arrin adag. Xadhigguna wuxuu ka noqday wax la caadaystay.”
Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu dhaliilay hay’addaha warbaahinta "Hay’addo badan oo warbaahineed ayaan lahayn tayo tifaftirnimo; habdhaqanka suxufi ee liita ayaana wiiqaya xirfadda (warbaahinnimo)."