"Askarigu Sidiisaba Wax Saameyna Kuma Laha Siyaasada Dawlada" Wasiirka Cadaalada Somaliland

0
Thursday October 17, 2019 - 12:32:18 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2374
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Askarigu Sidiisaba Wax Saameyna Kuma Laha Siyaasada Dawlada" Wasiirka Cadaalada Somaliland

    "Haddii Askarigu Shaqada Ka Tago, Ama Iscasilo Ama Uu Dhinto Waa In Cid Kale Uun Lagu Badellaa"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Haddii Askarigu Shaqada Ka Tago, Ama Iscasilo Ama Uu Dhinto Waa In Cid Kale Uun Lagu Badellaa"

Hargeysa (HWN) Wasiirka wasaaradda cadaalada Jamhuuriyadda Somaliland mudane Cabdirisaaq Cali Cabdi Saalax ayaa sheegay in ciidamadii dhawaan u goostay dhanka Maamul goboleedka Puntland ay ahaayeen kuwa tiro ahaan yar, balse ciidamadii kale ay xeryahoodii joogaan.



Sidoo kale, waxaa uu xusay in aanay waxba ka jirin wararka sheegaya in Calanka Puntland laga taagay deegaanno ka tirsan Bariga gobolka Sanaag.

Dhanka kale, wasiirku waxaa uu tilmaamay in mashaariico horumarineed ay xukuumaddu ka fulisay deegaanada gobollka Badhan.

Wasiirka wasaaradda cadaalada Somaliland mudane Cabdirisaaq Cali Cabdi Saalax oo arrimahaasi ka hadlayayna waxaa uu yidhi "Deegaankaasi Bariga Sanaag ee Badhani aad iyo aad ayuu u degan yahay, wax dhibaato ahi kama jiraan, wadankuna waa rooban yahay, wax xaalada oo ka jiraana ma jiro, ma jiraan beelo ka soo horjeeda Somaliland, ma jiraan oday dhaqameed ka soo horjeeda Somaliland. deegaanka Xawsane waxaa ka socda mashaariic ay xukuumaddu ka fulinayso oo 60-km Badhan u jirta oo aanay waligeed gaadhin, calankii Somaliland baa ka taagan, waxa kale oo ay mashaariico ka socdaan Baraagaha Qol, waxay ka socdaan Dhahar iyo Yubbe, mashaariicdaasi oo dhammi imika waxaa ay mareen hay’adda Qandaraasyadda Qaranka.”

Sidoo kale wasiir Cabdirisaaq waxaa uu ka hadlay ciidamo dhawaan la sheegay inay ku biireen Puntland, kuwaasi oo uu tilmaamay in ay tiro ahaan yar yihiin waxaanu yidhi "Haddii askarigu shaqada ka tago, ama iscasilo ama uu dhinto waa in cid kale uun lagu badellaa, in yar mooyaane askarta badankoodi waa ay joogaan oo xeryahoodii ayay joogaan, askartu dantooda waa ay taqaanaa, xeryahoodii ayay joogaan oo ay ku sugan yihiin, wax dhibaato ah oo ka jirta ma jiro, kuwii hore ugu tagay Puntland waxaa ila soo hadlay ciidamadii oo leh, waxaaney iga codsadeen in dawlada Cafis loo weydiiyo, ayaa igala hadlay sidii aan dawladda Cafis ugu weydiin lahaa, askariguna sidiisaba wax saameyna kuma laha siyaasada dawlada, ninkii shaqadiisa sii daayana hadhaw waa ay ku adkaaneysa sidii uu shaqo ku hello”

"Arrintaasi waa (Photo Shop) ee wax ka jira ma jiro Calanka Puntland wadanka Bariga Sanaag iyo Badhan meel waligii laga taagay miyaad aragteen, cid sidata oo mudaharaad sameyneysa oo had iyo goor sidata miyaad aragteen, wax Allaale wax ka jiraa ma jiro” ayuu yidhi wasiirka wasaaradda cadaalada Somaliland mudane Cabdiraaq Cali Cabdi Saalax.

 

Loading...
Loading...