Yaa U Kala Miciina: Qannaxeey Iyo Kawte Oo Qoorta Isla Galay!

0
Tuesday October 15, 2019 - 10:41:07 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1662
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Yaa U Kala Miciina: Qannaxeey Iyo Kawte Oo Qoorta Isla Galay!

    Kawte: War heedhe Qannaxeey bal warran

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kawte: War heedhe Qannaxeey bal warran


Qannaxeey: Nabee waa la fiican yahaye berigaan intee ka baxday
Kawte: War heedhe kii adduun ahaa baan eryanahayee, ma dhegeysatay kii Sanbalioshe wuxuu ku hadlahayey caawa
Qannaxeey: Ma dhegaysane xaaw sheegyey
Kawte: Ku lahaa waddanka Soomaaliya Madaxweynahooda nin aan Haiye ahayn xaq uma leh
Qannaxeey: Xaa ku jaban warkaas.
Kawte: Yaab, oo waddanku miyaanu Soomaali oo dhan ka dhexeyn
Qannaxeey: Yahooy laqdabo danbe cid yeelaysaa mugga ma jirto ee Puntland aad qabtaane iyada iimaansada
Kawte: Idinkuba laba Maamul baad leedihiine Galmudug iyo Hirshabeelle, ma idinkaa cidla fadhiya
Qannaxeey: Adinka aqligiinna Xamar maad rabtaan inaad nagu xukuntaan
Kawte: Xamar muwaanay caasimaddii Soomaaliyeed ahayn
Qannaxeey: Xamar xaan ugu dhimanayney oo dadka uga burinayney haddii nalagu xukumayo. Muggaan xureysaneyney cid kale inay nagu xukunto maan u xureyneyney
Kawte: Waxaan moodayey inaad cadaalad raadineyseen laakiin xukunkaad dhacsanayseen miyaa
Qannaxey: Cadaadlad aan raadineyney maxaa jira adiga xitaa Garoowe waa lagugu xukumi jirey maanta laakiin xur aa tahay.
Kawte: Laakiin Garoowe waa Dhuusamareeb iyo Jawhar camal, kuwaas cidi kuguma haysato inaad isku xukuntaan intiinna deggani.
Qannaxeey: Gaalkacyo ilaa Buula Xaawo annaga aa maajooritaa ka ah, xaqna annagaa ul eh inaan u talinno. Xamaraana laga xukumayaa
Kawte: Oo Digil iyo Mirif, Banaadiri, Reer Baraawe, Jareerweyne, Daaroodka Jubbooyinka iyo Gedo xaq ma leh miyaa.
Qannaxeey: Dadkaas masaakiin waaye idinka lee afka-dheer nagu taago
Kawte: Markaa sidee rabtaa in wax lagu wada yeesho
Qannxeey: Idinka maa cid wax u ogol, Dhulmahante, Warsangeli iyo Leelkas muggay madaxweyne Puntland ka noqdaan aan annagana Xamar cidaha kale inaa madaxweynaha ka noqdaan u ogolaanaynaa
Kawte: Somaliland iyada maxaad ka damacdeen
Qannaxeey: Nimankaas qaldaamiinta ah annaga qayladooda ma rabno, mooska lee u diraynaa. Meeshay aadayaan iyaka lee waaye
Kawte: War ba'aa, oo midnimadii Soomaaliyeed ma inay kala dhantaalantaad rabtaan
Qannaxeey: Midnimadaas tii nalagu qiyaanay waaye. Dhammaantiin inaa Xamar noogu timaadaan aa rabtaan canshuurtayada inaa cuntaan. Saaxiib taas waa fahamnay mar danbena ma aqbalayno.
Kawte: War ninyohoow nimankiinna Galmudug iyo Hirshabeelle dhisan kari waayey haddii Soomaali faraha la idiinka qaado maxaa laga filan karaa.
Qannaxeey: Aqli aqligii cidda lagu yaqaanney aa weli waddiin, saaxiib "kaygana aan yeesho kaagana aan wada yeelanno" sheekadaas waa fahannay mar danbe ma soconayso.

"TAASAA LA LEEYAHAY HA IS RAACDO"

 

 
Mohamoud Ibrahim (Xaaji)

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...