Cabdirashiid Riyo-Raac Oo Ay Qabsatay Diirrada Mucaaradku Iyo Ololeyaal Is-Garab Socda
Mr. Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyo Raac) ayaa waxa si weyn uga horyimid mucaaradka, gaar ahaan xisbiga Waddani.
Mr. Riyo-raac, ayuu Madaxweyne Biixi ku soo daray xubnaha
7-da ah ee guddiga doorashooyinka, laakiin mucaaradka ayaa si weyn uga
horyimid in Cabdirashiid Riyo-raac ka mid noqdo guddiga cusub ee
doorashooyinka, iyagoo ku eedaynaya inuu ka tirsanyahay xisbiga KULMIYE
islamarkaana uu ka qayb galay ololihii u dambeeyay ee doorashooyinka.
Golaha wakiilada ayaa laga dareemayaa guux badan oo ka dhan ah
Mr. Riyo-raac, waxaana golahaas ka dhex socda olole lagu doonayo inay golaha
wakiiladu diidaan in Riyo-raac ka mid noqdo guddiga cusub ee doorashooyinka.
Dhinaca kalena waxa golaha ka socda olole ay ka wadaan
masuuliyiin qaranka ka tirsan kuwaas oo doonaya inay ansixiyaan xubinimada
guddiga doorashooyinka ee Cabdirashiid Riyo-raac.
Warar kale ayaa iyaguna sheegaya in xisbiga Waddani uu doonayo
inuu Madaxweyne Biixi culays ku saaro inuu ka laabto xubinimada uu u soo
magacaabay Cabdirashiid-riyo raac ee guddiga doorashooyinka, oo ay ku
eedaynayaan inuu ka tirsanyahay golaha dhexe ee KULMIYE.
Si kastaba ha ahaate, waxa muuqata in iyadoo aan la
dhammaystirin dhismaha guddiga cusub ee doorashooyinka uu bilaabmay khilaaf ku
saabsan shakhsiyaadka loo soo xulay inay ka mid noqdaan guddiga doorashooyinka
qaranka oo ka kooban 7 xubnood.
Madaxweyne Biixi ayaa soo xulay saddexdan xubnood
1.
Mustafe
Maxamed Daahir oo ah nin dhallinyaro ah oo aqoonyahan ah
2.
Kaltuun
Sheekh Xasan Cabdi oo ka tirsanayd guddiga uu xilku ka dhammaanayo ee
doroashooyinka
3.
Cabdirashiid
Maxamuud Cali (Riyo Raac) oo ah siyaasi caan ah
Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan
Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa isna u xulay guddiga doorashooyinka Mr.
Cabdikariim Yaasiin Sheekh Dalmar, halka uu guddoomiyaha UCID Faysal Cali
Waraabe isaguna gudbiyay Mr. Xasan Yuusuf Ducaale. Guddoomiyaha golaha guurtida
Saleban Maxamuud Aadan, ayaa isaguna xulay labada xubnood ee kala ah
Maxamuud Daahir Jaamac (Dhoodi) iyo Cabdiraxmaan Maxamed Ismaaciil
(Dixood).
Guddiga doorashooyinka qaranka ee xilka haya ayaa wuxuu muddo xileedkoodu ku eegyahay bisha November ee soo socota.