Munaasibad Lagu Soo Bandhigayey Manhaj Cusub Oo Lagu Tababari Doono Macallimiin Oo Lagu Qabtay Hargaysa

0
Monday October 14, 2019 - 21:10:29 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1387
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Munaasibad Lagu Soo Bandhigayey Manhaj Cusub Oo Lagu Tababari Doono Macallimiin Oo Lagu Qabtay Hargaysa

    Hargaysa (HWN)-Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Md.Cismaan Jaamac Aadan oo uu wehelinayey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargaysa (HWN)-Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Md.Cismaan Jaamac Aadan oo uu wehelinayey

agaasimaha guud ee WW&S-ka Md.Axmed Abokor Maxamed ayaa maanta ka qaybgalay, munaasibad lagu soo bandhigayey manhaj cusub oo lagu tababari doono macallimiin wax ka dhigi doona dugsiyada hoose/dhexe ee dalka.

 

Manhajkan ayaa lagu tababari doonaa macallimiinta aan weli shaqada gelin ee ka soo baxay dugsiyada sare ee dalka. waxa tababarkan bixin doona kulliyadda tabarka macallimiinta qaranka, waxaanu socon doonaa muddo laba sannadood ah.

 

Manhajkan, hirgelintiisa oo ayey iska kaashadeen wasaaradda waxbarashada iyo sayniska iyo hay'adaha ku bahoobay mashruuca horumarinta cilmiga III, waxana diyaarintiisa iyo dhammaystirkiisa ba ka qayb qaatay, aqoon yahanada waaxda horumarinta manaahijta ee wasaaradda waxbarashada, kulliyada tababarka macallimiinta qaranka iyo khuburo aqoon dheeraad ah u leh, arrimaha manhajka waxbarashada.


Loading...
Loading...