Wefti uu Hoggaaminayo Wasiirka Gaadiidka oo Kormeeray Biriijyada Dacarbudhuq, Lafa-ruug, Dubur iyo Dawga Sheekh
Saaxil iyo masuuliyiinta Hay’adda Waddooyinka, ayaa kormeer ku tegay biriijka Dubur ee degmada Sheekh ee Gobolka Saaxil iyo dawga ka gudba buurta Sheekh, halkaas oo laga bilaabayo dayac-tir lagu samaynayo dhibaatooyin soo gaadhay, gaar ahaan biriijyada, Dacar-budhuq, Lafa-ruug Dubur.
Badhasaabka
Gobolka Saaxil Md. Axmed Cismaan Xasan oo goobta ka hadlay, ayaa Wasaaradda
Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland ku bogaadiyey dayac-tirka lagu
samaynayo biriijyada ay dhaawacyadu gaadheen, waxaannu yidhi; "Waxa aynu
joognaa waa biriijkii oo laba meelood ka go’an, Wasiirka Gaadiidka iyo
Horumarinta Jidadka oo ay wada socdaan Hay’adiisa (Hay’adda Waddooyinka),
horena halkan qandaraas ugu bixiyey oo maanta (shalay) kormeer ugu yimid oo ay
shaqadii ka bilaabantahay, anaguna aad iyo aad ayaannu u soo dhawaynaynaa,
iyadoo mar walba dayac-tir lala barbar-taagan yahay biriijyadan, ilayn
cimrigoodu horta wuu raagay oo culayska xiitaa beryihii hore dul-mari jiray iyo
culayska maanta dul-marayaa isku mid maaha, wixiina wuu raagay oo mar haddii
shay kastaa uu raago wuxuu isku beddelaa hun (hoos-u-dhac) ayaana ku yimaad,
markaa taas ayuun baan horta u malaynayaa inay keenayso waxyaabahan burburka
ah, meelihii berigii dhawayd la dayac-tirayna way hagaagsan tahay oo weli wax
dhibaato kale ah ma gaadhin, labadan gooboodna mar hore ayey bilaabmi lahaayeen
ee halkii ay baabuurtu si ku-meel-gaadh ah u mari lahaayeen inta kan laga
shaqaynayo ayuu daadku joojiyey oo hakiyey.”
Wasiirka
Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Md. Cabdillaahi Abokor Cismaan"Safarkayagu
waxa uu ahaa in aannu soo hubino biriijyada oo ay ka mid yihiin biriijka
Lafa-ruug oo isaga laftiisa uu dhaawac soo gaadhay oo ka tirsan Gobolka Saaxil
iyo biriijkan oo isaguna ah biriijka Dubur oo isaga laftiisana uu dhaawac soo
gaadhay iyo waddooyinkaba. Sideedabana runtii nimco kastaaba nuqsaan leh oo
waddooyinka dhibaatada ugu badan ee ku dhacdaa waa roobabka oo waxay dhibaatadu
soo gaadhaa waa xili-roobaadka, dhibaatada ina haysataana waxa weeyaan
waddooyinkeennu waa jidad gaboobay oo afartan sanno (40 years) iyo wax ka weyn
ah. Markaa waxa aannu rajaynaynaa Insha Allaah oo qorshaha Wasaaraddu waxa
weeyaan sannadkan (2019) in shantan biriij ee ugu waaweyn ee Gobolka Saaxil,
weliba qaybta u dhexaysa Berbera iyo Burco in qaybta sareba laga qaado,
sababtoo ah way innagu soo noqnoqtay, laakiin intani waxay inoo noqon doontaa
dhiig-joojin, markaa maadaama oo aannu hawshaas wadno dee la eegan kari maayo,
markaa waxa aannu garanay in aannu hawshan u soo dirno shirkadan (samaynaysa
dayac-tirka). Sidoo kale waxa muhiim dawga Sheekh marka laga hadlayo waxa uu ka
qiimo badan yahay dhammaanba waxa waddo inoo dhisan, waanad ogtihiin oo waxa uu
u baahan yahay in dhagaxa laga hagaajiyo, meelaha biyo-mareenada ahna loo
sifeeyo, haddii kale daadka ayaa dulmaraya, haddii uu daadku dulmarana waxa uu
gaadhsiinayaa dhaawac.”
Wasiirka
Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadku waxa uu sheegay inuu rajayno in shirkadda
gacanta ku haysa dayac-tirka biriijku ay dedaal badan muujiyaan iyadoo ay jirto
duruuf dhinaca roobabka ah, isla markaana ay sida ugu dhakhsaha badan, uguma
macquulansa hawshaan u dhammaystiraan.
Qaar ka mid ah Injineerrada Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland oo ay wehelinayaan dadka degaanka ku dhaqan oo iyaguna halkaas hadallo ka jeediyey, ayaa iftiimiyey sida ay muhiimka u tahay in la ilaaliyo biriijyada waaweyn ee isku-xidha magaalooyinka iyo Gobollada dalka Somaliland, lagana ilaaliyo wax kasta oo dhibaato u keenaya.