Magacyada Masuuliyiin Uu Xisbiga Kulmiye Damacsan Yahay In Talaabo Laga Qaado

0
Monday October 14, 2019 - 19:23:51 in News by
  • Visits: 4659
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Magacyada Masuuliyiin Uu Xisbiga Kulmiye Damacsan Yahay In Talaabo Laga Qaado

    Magacyada Masuuliyiin Uu Xisbiga Kulmiye Damacsan Yahay In Talaabo Laga Qaado

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magacyada Masuuliyiin Uu Xisbiga Kulmiye Damacsan Yahay In Talaabo Laga Qaado


Hargeysa(HWN):-Gudoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbi Xaakimka Kulmiye Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa(Wadka) ayaa hadlay Saddex Masuul oo Xisbiga Kulmiye ka tirsan uu sheegay inay ka qayb galeen Munaasibaddii Caleemo Saarka Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe.




Gudoomiyaha ayaa sheegay in Illaa hadda ay soo gaadhay oo ay xaqiijiyeen inay Munaasibadaasi ka qayb galeen Agaasimihii hore ee Wasaaradda Arimaha Qoyska Maxamed Ilkacase, Wasiir ku xigeenkii hore ee Wasaaradda Macdanta Yuusuf GARAS iyo Agaasimihii ee hore ee Wasaaradda arimaha Dibadda Somaliland Maxamed Xasan Siciid islamarkaana ay Xukuumadda iyo Xisbiguba diyaarinayaan talabaadii ay ka qaadi lahayeen isagoo dhinaca kalena sheegay in ugu horayn Xisbigu go’aan deg deg ah kasoo saarayo.

Loading...
Loading...