Xisbiga Waddani Oo Ka Dareen Celiyay Iscasilaada Faadumo Siciid
ayaa iskaga tagtay xisbiga Waddani waxaanay si weyn uga taxadartay in ay wax dhalliil ah ku sagootido xisbiga.
Masuuliyiin ka tirsan
xisbiga Waddani iyo taageerayaasha ayaa iyaguna niyadsamaan ku macasalaameeyay
Faadumo Siciid.
Afhayeenka
guud ee xisbiga Barkhad Jaamac Batuun ayaa qoraal uu soo saaray u dhignaa
sidan:
"Horre iyo dambeysaba
Madaxda, Mas’uuliyiinta, Maamulka Laamaha Dibadda, iyo Gudaha,Taageerayaasha
Xisbiga Waddani meel kasta oo ay daafaha dunida ka joogan waxay ku hayaan Abaal
iyo Ogaal Halgankaagi iyo Hawshi Xisbiga aad u soo qabatay. Haddana sidaad u sheegtay
inu Waddani yahay Xisbiga Wanaag iyo Sharaf kaa Mudan ayaad nooga wada mudan
tahay mar walba iyo meel walba Marwo, Go’aankaaga shaqsiga ahna waanu kugu
tix-galineyna Gallad Alle iyo Guul garabkaaga ha ahaato.”
Sida
oo kale xoghayaha gaarka ah ee guddoomiye Cirro Cabdiqaadir Saalax Iidle ayaa
qoraal uu soo saaray ku yidhi
"Waxa aan si milgo
iyo maamuus leh u sii sagootinayaa Marwo Faadumo Siciid Ibraahin oo ahayd
Xoghayihii hore ee Arrimaha dibadda ee Xisbiga WADDANI oo aan muddaddii ugu
dambeysay ee ay xilkaa haysay aan si dhow u wada shaqeynay, runtiina xisbi
ahaan naga mudan ixtiraam iyo qaddarin go’aanka shakhsiga ah ee ay qaadatay
maanta.
Marwadu sida ay
caddeysay khilaaf kuma ay tegin, balse waxaa tixgelin mudan go’aankeeda qofnimo
in aan dhammaanteen ku wada ixtiraamno, noloshuna waaba geeddi iyo geeri u
joog, sidaa awgeed maadaama oo ay tahay qof marwo ah oo naga mudan xurmo, waxa
aan ku ambabixinayaa ereyada ugu wanaagsan ee la isku sagtootiyo; Marwooy meel
kasta oo aad tagto meeqaamkaaga iyo maamuuskaagaba hel idamka Alle.