War Deg Deg Ah: Xubin Culus Oo Iska casishay Xisbiga Mucaaradka Ah Ee Waddani

0
Monday October 14, 2019 - 16:25:16 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 3422
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah: Xubin Culus Oo Iska casishay Xisbiga Mucaaradka Ah Ee Waddani

    Hargaysa (HWN) Xoghayihii Arimaha Dibada ee Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ayaa shaacisay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargaysa (HWN) Xoghayihii Arimaha Dibada ee Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ayaa shaacisay

inay iska casishay xilkii iyo xubin nimadii ay ka ahayd xisbiga Waddani.


Faadumo Siciid oo maanta warbaahinta la hadashay ayaa iscasilaadeeda ku macnaysay gaabis xisbiga Waddani oo ka gaabiyay mucaaridadii laga filayay "Maanta waxaan iska casilay xilkii aan hayay ee Xoghayaha arimaha dibada ee xisbiga Waddani  iyo xubin nimadiiba, mana jecli inaan meel aan katago aan wax ka sheegsheego waayo dadbadan oo walaalo aanu nahay ayaa ku jira, markaa meeshaad intaasoo dhan joogtay inaad shay xun ka sheegtid waa shay xaaraan ah” ayay tidhi Faadumo Siciid.



Faadumo Siciid ayaa ka sheekaysay arimo badan oo dalka ku soo kordhay oo laga gaabiyay wax ka qabadkooga, waxaanay sheegtay inayna jirin cid ku khasabtay ama ugacan haadisay oo ka dambaysay iscasilaadeeda, iyadoo meesha ka saartay wax khilaaf ah inay dhexmareen iyada iyo  masuuliyiinta xisbiga Waddani.


Hadhwanaagnews

Hargaysa/Office.

 

Loading...
Loading...