Fashilka Waaxda Warbaahinta Waddani By Mukhtar Cilmi

0
Monday October 14, 2019 - 12:14:36 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1420
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fashilka Waaxda Warbaahinta Waddani By Mukhtar Cilmi

    Asalaamu Calaykum Waraxmatulaahi Wabarakaato.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Asalaamu Calaykum Waraxmatulaahi Wabarakaato.

Warfaafintu qayb weyn ayay ka tahay guusha xisbi walba oo hankiisu yahay madaxnimadda dalka oo ka diiwaan gashanyahay, hadii u ducuf ka muuqato hab u socodkiisa waxay ila tahay in u xisbigaasu mar walba u saaxiib la noqdo guuldarro! ,taasuna waxay haysataa warbaahinta xisbiga waddani iyo xafiiskeeda warfaafinta!!!. sida aanu u wada ogsoonahay guusha uu ku gaadhay KULMIYE kursiga 2010 waxay ahayd warbaahin isagoo si xun kaambayn iyo dagaal la galay xukuumadii UDUB iyo tv geedii qaranka waagaa. waxaana guulaystay runti warbaahiinta mucaarideed ee kulmiye oo runtii dhisay warbaahin adag, waxaana ka mid aha guusha waagaas :

1- qoraaladii siyaasii MARSHAAL. (AHUN)

2- qoraaladii cabdilaahi geeljire oo silsilado ahaa.

3- qoraaladii BOOBE iyo GOODIR.

4- somaliland.org websit adag ahaa xaga wararka.

5- Radio HOYAAL oo qayb weyn ka ahaa borobagaandhadii lagu riday xukuumadii UDUB .

Waxaana intaas u soo qaatay caawa in ay sidii weli tahay warfaafinta Waddani oo wax isbedel keenin.. waxa laga rabay in sidii u KULMIYE ahaa in u maanta noqdo ka hor intu kaambayn dambe galin. waddani warbaahintiisu diyaar umaha ah in tartan la gasho media yada xukuumadda waayo ma bisla , dadka joogana ma ahaa kaadir saxaafadeed ,ciyaal baan ku tilmaama maanta warfaafinta waddani, lkn waxaan idin iftiiminaya in u waddani warbaahintiisu ku fashilantay hawlahii laga sugeyay wakhtigii kaambaynka.

dadka u qaabilsana warbahiinta may ahayn dad khibrad u leh shaqadan iyo wakhtiga xasaasiga ahaa ee kaambaynka waxaana cadayn oo ah taas in ay is casilayn labadii ugu sareyay xafiiska hawlahiisa kootada ku haystay , iyo misaaniyadii lagu tala galay oo madow gashay,taasna waxa cadenaysa in hal tv oo si joogta ah aanu xisbigu la macaamilin soo gudbinta wararkiisa, iyo kuwa kale ba, lkn dulmi badan ba uga iman jiray xafiiska warfaafinta waddani wariyaal oo wada shaqayntooda iska joojiyay sabaabo badan awgeed. taasna waxay ku tusaysa in wada shaqeynta xafiiska warfaafinta iyo warbaahinada kale ay liidato

Maantana xafiiskuuda waxa la dagay xoghaye aan khibrad u lahyen siyaasadda oo maroorsaday taladii warbaahinta WADDANI iyo shaqsi an khibrad u lahayn warbaahinta oo xafiiska warbahinta ku magacaaban, kaasi o u adeega xoghaye, haddaba  tageeriyaasha weli khayr ka sugaya waddani waxaan udhan lahaa ka quusta oo sakhradda khiyaaliga ka kaca!. xisbigu waa xisbi liita oo ay ku dhex hirdamayaan taladiisu intaas oo kooxood, Guddooomiyihii dhamaana uu ka hurdo! ..

Ladagooooooooooooo....!!!!! ! 

By Mukhtar Cilmi

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...