Maxamuud Xaashi Cabdi Waa Soo Noqdigii Maykal Maryama Ee Siyaasada Mustaqbalka Soo Socda Ku Hogaaminayay Somaliland:- Najiib Ismaaciil Gabiley

0
Monday October 14, 2019 - 09:30:56 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1581
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxamuud Xaashi Cabdi Waa Soo Noqdigii Maykal Maryama Ee Siyaasada Mustaqbalka Soo Socda Ku Hogaaminayay Somaliland:- Najiib Ismaaciil Gabiley

    Inkastoo ay Siyaasadda ka Maqnaayeen Qolyahan Reer Oogo Ama Reer Hawdku haddana

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Inkastoo ay Siyaasadda ka Maqnaayeen Qolyahan Reer Oogo Ama Reer Hawdku haddana
Marka Dib loo Raaco Taariikhda Sooyaalka Siyaasadeed ee Xidbiyadii lixdamaadkii Somaliland Waxeynu Wada ogsoonahay in Xisbigii UNF ee uu Hogaaminayay Siyaasigii Ruugcadaaga ahaa ee Maykal-Maryama uu ahaa mid kasoo bilaabmey Ceel-Afweyn oo ku Dhamaanayay Gabiley islamarkaana, ay isku bahaysteen Muuse Abokor iyo Jibriil Abokor oo guulo kasoo hooyay Siyaasadii Xisbiyadaasi, Sida ay hadda Mar Walba uga Dhex muuqdeen Xisbiga Kulmiye iyo Wacdarihiisii Doorashooyinka Somaliland.



Tirra ma laheyn Ragga kasoo jeeday Beesha Habarjeclo ee Wakhtiyadaa hogaaminyay Guud ahaanba Siyaasada Somaliland dhinacooda Waxaana Hormood ka ahaa Maykal Maryama, Dube Caliyare Dhoolayare iyo Rag kale oo badan oo aanan Halkan ku Xusi karinn Mana jirin Dhinaca Reer Hawdka Siyaasi Muctarif ah oo ka horeeyay Axmed Siilaanyo Madaxweynihii hore ee Somaliland, oo isaguna ahaa nin u ogol Doorka Siyaasadeed Walaalihii Habarjeclo Barri maadaama aanu Askari aheyn ee uu ahaa Gorgorshaa aqoonyahan ah oo Dhinaca Siyaasada iyo fahankeedaba Muqdar ku ah.


Soomaalidu Waxey tidhaa 'Hadalkana lakala odhan og Allena lakala Baryi og' Taa macnaheedu Waxey Sawir Fiican inaka Siinaysaa halka ay kala joogaan Maanta Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Maxamed Kaahin oo Damacsan in ay Awooda Xukuumadan Kaga Riixdaan Xisbi Xaakimka.Kulmiye Siyaasiga Doobta Culus Maxamuud Xaashi Cabdi Tusaale ahaan labadaa nin in ay ku kala Fogyihiin Siyaasad Waxa Cadeyn u ah Marka Maxamuud Xaashi meel ka jeediyo hadal Bulshada oo dhan ayaa ku Diirsara Bari ilaa Galbeed oo Waa Nin hadal Yaqaan ah Marka Maxamed Kaahin(Wasiirka Daakhiligu), hada meel ka jeediyo hadal Waa halkii Reer Bariga,e Waa Aw Ducaale Sheekeeye oo Xikmadi kuma laabna Waana lagaga Sii Fogaadaa oo Guntiisa laga dheehdaa iyo inta ay jirto Xikmadiisa iyo Siyaasadiisa iyo hogaamiyanimadisaba.


Aniga oo ah Najiib Ismaaciil Maxamed kana mid ahaa aasaasayaashii Xisbiga Kulmiye ilaa maalintii uu Urur Siyasadeedka ahaa November 2002dii kana soo jeeda Dadkii Reer Gabiley ee Maal Maskax iyo Tacaba gashaday Xisbiga Kulmiye Waxaan Taageersanahay oo aan Wax Walba maantana la garab joogaa Siyaasigaa Ruugcadaaga ah ee Maxamuud Xaashi Cabdi kumanaanka i dhageysta iyo kuwa aannu Mabda,a Wadaaga Naheyba Waxaan u hayaa Siyaasigaa iyo Taageeridiisa Waananu isku afgaranay anagoon isaga kala tashan Waxna uga baahneyn Aduuna ka doonayn ayaanu Taayada ku boxinaynaa habeen iyo Maalina Waanu Wadeynaa Dedaalka Kulmiye in uu hogaankiisa Qabto, Mar horena Waan Sheegay maantana Waan ku Celinayaa Kulmiye Wuu laangadhayn doonaa Hadii Maxamuud Xaashi Xadhigiisa Qaba Waayo Samirkii ayuu leeyahay Siyaasadii ayuu leeyahay Waayo-Aragnimadii ayuu leeyahay Dad wadistii iyo isku hayntii ayuu Leeyahay Waxaann kusoo koobayaa Maxamuud Xaashi Cabdi Waa Soo Noqdigii Maykal Maryama Nabsi Maalku Geediga Hayinkuu Ku Guurraa.


Najiib Ismaaciil Maxamed 
Somaliland Gabiley
Tell: 0634466339
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...