Raysal Wasaaraha Soomaaliya Oo Mucaarid Iyo Muxaafidba Ugu Baaqay In Si Adag Loo Ilaaliyo Xuduudaha Dalka

0
Sunday October 13, 2019 - 11:59:26 in News by
  • Visits: 1786
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Raysal Wasaaraha Soomaaliya Oo Mucaarid Iyo Muxaafidba Ugu Baaqay In Si Adag Loo Ilaaliyo Xuduudaha Dalka

    Raysal Wasaaraha Soomaaliya Oo Mucaarid Iyo Muxaafidba Ugu Baaqay In Si Adag Loo Ilaaliyo Xuduudaha Dalka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Raysal Wasaaraha Soomaaliya Oo Mucaarid Iyo Muxaafidba Ugu Baaqay In Si Adag Loo Ilaaliyo Xuduudaha Dalka


Muqdisho(HWN):-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudaneXasan Cali Khayre, oo khudbad ka jeediyay munaasabadda xuska maalinta calanka Soomaaliyeed ee October 12, ayaa caddeeyay in mas’uul walba oo Soomaaliyeed oo fursad u hela metelaadda qaranka, uu taariikhda dalka ku geli doono hadba sida uu uga qayb qaato ilaalinta qarannimada, madax bannaaninada, midnimada iyo xuduudaha dalka.





Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in Calanka uu macna wayn u leeyahay umadda Soomaaliyeed, uuna u taaganyahay midnimada iyo xornimada ummadda, dhammaan danaha dadka Soomaaliyeedna ay ku jiraan dowladnimada, muhiimna ay tahay in mucaarad iyo muxaafidba dowladnimada la wada ilaaliyo, danta guud laga wada shaqeeyo oo la iska ilaaliyo in dowladnimada laga dhex raadiyo dan gaar ah.


"Qof walba oo naga mid ah, meel walba oo uu dalka ka joogo ama ay ka joogto, mucaarad iyo muxaafad oo fursad u hesha in uu qarankiisa metelo ama ay qarankeeda metesho, waxaa uu taariikhda ku geli doonnaa sida uu u ilaalinno qarinnimada, madax bannaanida, hantida qaranka, Midnimadda, xuduudaha, badda, hawada iyo dhulka Soomaaliyeed”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.





Isgoo hadalka sii wadana waxa uu raysal wasaaruhu yidhi "Calankeenna Buluugga ah ee bartamaha ku leh xiddigta shanta gees leh, astaantana u ah qarannimmada umadda Soomaaliyeed, uuna allifay Allaha u naxariistee Maxamed Cawaale Liibaan ayaa markii ugu horreysay dhulka Soomaaliyeed laga taagay October 12, 1954, waxaana sannad waliba October 12 dhammaan dadka Soomaaliyeed ay xusaan maalinta calanka oo kamid ah munaasabaha ku weyn quluubta ummadda" ayuu yidhi

Loading...
Loading...